Maxkamad u quus goysay Doodii Cali Samatar ee Xasanada Masuuliyiintu leeyihiin
Fairfax Nov 08 2012(SDN)-Ma laha wax xasanada oo iska hortaageysa raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Gen Maxamed Cali Samatar oo dhawaan qirtay denbiga ah in uu bixiyay amaro xasuq iyo jir dil isugu jiray oo lagula kacay muwaadiniin Soomaaliyeed,sidaana waxa xukuntay Maxkamada derajada 4aad ee Mareykanka.
Afar dhibenaayaal oo Soomaali ah ayaa Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo haatan ku nool Mareykanka uu madax ka ahaa Ciidan dil dhac iyo jir dilba isugu daray eheladooda sanadihii sideetamaadkii.
Cali Samatar ayaa eedaa isga difaacay in bacdamaa uu masuul Soomaaliyed ahaa xiligaa haatan leeyahay Xasanad ka hor joogsaneysa cid walba in ay dacwad la beegsato.
Balse Maxkamada sare ee Mareykanka ayaa sanadii 2010kii xukuntay in sharcigaasi uu khuseeyo uun dawladaha shisheeye ee aanu khuseyn Ashkhaasta shisheeye.
Bishii February ee sanadii 2012kii ayuu Cali Samatar shakhsiyan hortagay maxkamada oo uu qirtay denbiyadii lagu soo eedeeyay.
Maxkamada ayaa bishii August ee isla sanadkan ayay maxkamadi ku xukuntay Maxamed Cali Samatar in uu dhibeneyaasha siiyo aduun dhan $21 million dollar.
Cali Samatar aaa ugu danbeyntii isku dayay in uu xukunka isaga gudbo sharci Common Law la yidhaahdo oo u saamaxaya in aan lacagaha lagu xukumay laga qaadin.
Tiina waxa goaan ka sooo saaray maxkamada derejada 4aad ee Mareykanka oo xukuntay in masuuliyiinta loo heysto denbiyada xuquuqda aadanahu in aaney Common Law isku difaaci karin.
Sharcigan maxkamadu cuskatay waxa la yidhaahdaa jus cogens waana mid aan u saamexeyn masuuliyiinta dawladaha shisheeye ee Mareykanka ku nool in xasanadooda ay isku difaacaan.
Xaakim William Traxler oo arrintan qoraal uga guddbiyay sadexda xaakim ee racfaanka Cali Samatar qiimeynayay ayaa xusay in sharciga Commom Law oo laga soo min guuriyay dalka UK aanu hogaamiyeyaal hore ka hor joogsan in la maxkamadeeyo.
Xaakim Trexler waxa uu si gaara u xusay dacwadii lagu saaray Britain keligii taliyihii dalka Chile Augusto Pinochet.
Si kastaba ha ahaatee garnaqida dacwadii Gen Maxamed Cali Samatar oo mudo qaadatay ayaa u muuqata in ay haatan gunaanad tahay.
SDN-Fairfax
contact@somalidiasporanews.com