Ciidamada kala duwan ee Qaranku leeyahay halaga mamnuuco Telefoonada Gacanta saacaddaha shaqada
Waxaa maanta igu kalifay qormadan dhaliil weyn oo qof kastoo wadinaya oo lexjeclo ka hayso wadankiisa ay waajib tahay in uu tilmaamo, waxaanan ahay qof aaminsan shicib iyo xukuumadba in ay waajib tahay qof waliba halkiisa in uu ku yahay askari boolis ah.
Haadan is dultaago cadaynta qormadan, sida la wada ogyahay ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland waa dad asal ahaantooda hore ku abuurmay hab beelaysan, taasoo ay sababatay duroofo wakhti la soo maray, iyadoo wakhtigaas hal ujeedo oo kaliya laga duulaayey, oo ahayd sideeba loo hela haykalkii dawladnimo, taas lafteeda oo xita loo eegin in askarigu leeyahay tababarka koobad ee lixbilood la ah, dibna laysuma waydiin in ay wax dhiman yihiin.
Waxaa biyo kama dhibcaan ah in arintaasi ina dhaxalsiisay in qarankani uu marayo midi girgirkeed sababahan awgood
1. Qarankan oo leh cadow farabadan gudo iyo dibadba, hadana aanu askariga Somaliland lahayd tayo (capacity building) ku filan dhankastoo laga eego
2. Askariga Somaliland malaha saanad gaara (personal army) oo uu qaranku leeyahay si uu dalka ugu adeego,
3. Askarigu malahaa asluub umana tababarna, mana fahansana masuuliyada saarani inay tahay tii ugu saraysay ee qaranka,
4. Anigoon dhaliilayn xukuumada hada jirta, hadana awooda qaranka awgeed, mahelo dhaqaale ku filan oo bahiyihiisa kala duwan ku dabooli karo
5. Askariga Somaliland noloshiisu 80% waxaay ku tirsan tahay shacabka taas oo si fudud cadawguna usoo dhex mari karo, adeegsana karo askarigaaga laftiisa, iyadoo waliba caadana ay noqotay in cadawga ka jira mandaqadan aynu ku nool nahay adeegsado awood dhaqaale.
CIIDAMADA MILITARIGA (MILITERY)
Wakhtiyada ay jiraan hawlgalada ciidamada militariga Somaliland, hadaad la kulaanto askari ka mida ciidamada militariga gaar ahaan kuwa aan kusugnayn goobta gulufku kajiro oo aad waraysato waxaa biyo kama dhibcaan ah in uu sifudud kugu qanciyo in uu garaaco
saaxiibadiisii kusugan goobta hawl galadu ka jiraan ,xita si sahaln waxaad ku ogaan karta hadba xaalada markaas ay ku sugan tahay guutadaasi, haday jabtay iyo haday guulaysatay ,markay caynkaas tahay cidi kale ee ka soo hor jeeday hawl galkaasi iyada lafteedu sidoo kale haddaad tahay qof xidhiidh la leh ama u adeegaya miyaanay suurobi Karin inaad xidhiidhkii ay u bahanaayeen aad halkaas ka siiso,
Akhriste adigoo mahadsan markaad fahanto dulucda qormadan ,dhibaato intee leg ayuu u gaysan kara qarankan askarigan u madaxbanaan mobilkan gacanta?
CIIDANKA NABAD GALYADA (SECURITY ARMY)
Waxaay qabilsan yihiin abniga gudaha, iyada lafteeda mararka ay wadan dabagalada xasaasiga ah, waxaa dhici karta in tilifoonka gacanta ee askariga gaar u ahi in uu si qaldan (negative) u shaqeeyo, maadama nugaaylkaas faraha badan ee aan kor kusoo xusay uu jiro.
CIIDANKA ILAALADA MADAXTOOYADA (PRESIDENTIAL GUARD)
Waxaa la huba hadaad u baahato oo aad garacdo tilifoonka gacanta ee askariga u gaarka ah ,mid ka mida askarta madaxtooyada isla markaasna aad waydiiso halka uu ku sugan yahay , waxaa la huba in aad si fudud u ogaan karto meel kasta iyo xaalad kasta oo uu ku sugan yahay ,
Xita mararka qaar waxaa dhacda , mararka madaxda qaranku ay ku jiraan safarada in aad heli karto hadba halka uu maraayo masuulkaasi
TALO BIXIN
Askariga waxaad xukunta marka uu leyahay dhag qudha, laakiin haduu aduunkoo dhan dhago u leeyahay ,fara bax dhankastana ka filo,
1. Markaas waxaan ku talin lahaa sacada shaqada in askariga laga xaarantimeeyo tilifoonada gacanta.
2. Shuruuc loo so cuskadana la dajiyo loona fahmo isticmaalka tilifoonka in uu yahay danbi saacada shaqada, ee askarigu gudanaayo wajibka qaran ee saaran.
3. In la fahansiiyo askariga s/l waxa uu yahay askarigu, iyo masuuliyada saarani inta ay leegtahay.
4. In markasta oo dhaqaala Somaliland kordho sidii ay horeba xukuumadu u samaysay ahmiyada koobad la siiyo askarga in noloshiisa kor loo qaado haday tahay mid caafimad iyo tu dhaqaaleba.
Qalinkii;’ Cabdilaahi Cismaan Cabdi (Cabdilaahi Gadhle)