|

Xusbiga KULMIYE Oo Cududiisa Banaanbax Ku Soo Bandhigay Goobo Cayiman Oo Ka Tirsan Caasimada Hargeysa Iyo Khudbadii G: Muuse Biixi

Hargeysa 07-11-2012-(SDN)-   maanta oo ay ku beegnayd wajiga labaad ee Ololaha Doorashada Golayaasha Deegaanka Somaliland ayaa waxaa banaanbaxo kala duwan ka sameeyey taageerayaasha Xusbi Xaakimka KULMIYE .

Masuuliyiinta Xusbiga KULMIYE oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Md Muuse Biixi Cabdi oo ay ku wehelinayaan qaar ka mida xildhibaanad golayaasha deegaanka uga  tartamayaa Caasimada hargeysa ayaa goobo kala duwan ka jeediyey khudbado ay ku dhiiri geliyaan taageerayaashooda .

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo kormeer ku soo marayey goobaha ay ku sugan yihiin taageerayaasha xisbigaasi ayaa waxa uu goob walba oo uu tagaba ka jeedinayey khudbad uu ku dhiirigalinayo taageerayashiisa in ay cududa isku soo baxooda ku muujiyaan maalinta codaynta.

Muuse Biixi oo hadal kooban ka jeediyey garoonka 31-ka May ee Xaafada Jigjiga yar ayaa waxa uu taageerayaashiisa ugu baaqay in aanay xamaasadu ka ahaan sawir ay kor u taagaan, balse ay musharixiintooda u codeeyaan oo ay soo saaraan maalinta doorashada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale kula dar daarmay inaanay taageerayaasha xisbiga Kulmiye ku kicin wax anshaxa iyo dhaqanka suuban wax u dhimay

dhinca kale waxa kale oo uu gudoomiyaha Xusbiga KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi  taageerayaasha xusbiga in aanay taageeradodu ku koobannan calan la ruxo balse loo bahan yahay ficil dhab ah waxaana hadaldiisi ka mid ahaa

“Walaalayaal waa inaynaan sawirada oo kor loo qaado iyo xamaasad inagaga ekaan ee aynu soo saarnaa Musharixiinteena” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo la hadlayey taageerayaasha xisbiga oo sawirada musharixiinta kor u wada lulayey, kuna dhawaaqayey heeso ay ku taagerayaan musharixiinta ay muujinayaan.

 

Comments are closed