Wasiirka Cusub Ee Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo Maanta Qado Sharaf U Sameeyey Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Puntland
MuqdishoTalaado, 06/11/2012. Wasiirka cusub ee Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane: Maxamuud Xasan Saleebaan ayaa maanta Qado sharaf u sameeyey Xildhbaanada kasoo jeeda maamul goboleedka Puntland, wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii KMG ahayd, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Ugu horayn wasiirkii ku xigeenka Howlaha Guud iyo Guryeeynta ee xukuumadii hore Mudane: Xareed ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wasiirka cusub ee maaliyadda madaama uu ka soo jeedo maamulka Puntland isla markaana uu ka codsanayo xildhibaanada baarlamaanka inay siiyaan codka kalsoonida Xukuumada uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Saacid, wuxuuna sheegay in wasiirada cusub ay yihiin kuwo tiro yar aqoona u leh howlaha loo igmaday.
Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa goobta ka sheegay isagoo ka wakiil ah xildhibaanada ka soo jeeda maamulka Puntland inay siinayaan codka kalsoonida Xukuumada cusub oo uu wasiirka maaliyada ka yahay Maxamuud Xasan Saleebaan, wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada kale iyagoo qiimaynaya barnaamijka xukuumada ay soo hor dhigayso Baarlamaanka inay siiyaan codka kalsoonida si dalka looga saaro dhibaatooyinka hareeyey mudada labaatanka sano ka badan.