Madaxwaynaha Somaliland iyo Xubno Wasiiro ah oo kulan albaabadu u xidhnaayeen ku qaabilay wefti ka socda Shirkad ajaanib ah oo Sahamin Shidaal dalka ka bilaabaysa
Hargeysa 06-11-2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ay weheliyaan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wefti sare oo ka socda Shirkada Genel Energy oo dawladda Somaliland heshiis kula gashay sahaminta iyo soosaarits Shidaalka la rumaysan yahay inuu deegaamo badan oo dalka ah ku jiro.
Weftigan oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Shirkadaasi Genel Energy Mr. Mehmet Sepil iyo Agaasimaha Fulinta ee Shirkaddaas Tony Hywad oo saaka ka soo degay madaarka diyaaraddaha ee magaalada Hargeysa, waxaa ku qaabilay Wasiirka Wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale .
Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha Weftigu waxay ka wadahadleen arrimaha baadhista iyo sahaminta shiidaalka, iyadoo ay Madaxweynaha gudoonsiiyeen Bilad ay Shirkaddu ku maamuustay.
Wasiirka Wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Mr Xuseen Cabdi Ducaale iyo Agaasimaha Fulinta ee shirkadaasi oo warbaahinta kula hadlayay xarunta Madaxtooyada markii uu dhamaaday kulanku, ayaa waxa uu wasiirka Macdanta iyo Biyuhu sheegay in socdaalka weftigani yahay kii u horeeyay ee noociisa ah, isla markaana ay dalka u yimaadeen hawlgalo dhinaca baadhista Shidaalka iyo Sahamintiisa la xidhiidha.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in sannadka soo socda ay shirkadani si rasmi ah dalka uga bilaabi doonto qodista ceelkii ugu horeeyay ee shiidaal laga baadi goobayo,isagoo intaas ku daray in rajada somaliland ee Shiidaal helistu ay tahay mid aad u saraysa.
Agaasimaha Fulinta ee Shirkada Genel Energy Mr Tony Hayward ayaa isaguna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin sida qiimaha leh ee Xukuumada Somaliland u soo dhawaysay weftigooda.
Waxa kale oo uu Agaasimuhu xusay inay si niyadsami ah u sii amboqaadi doonaan hawlaha Sahaminta Shiidaalka, isla markaana ay ku maalgelinayaan lacag ka badan afartan Milyan oo doolar ($40 million), waxaanu u rajeeyay shacabka Somaliland inay u soo saari doonaan Shiidaal sannadka 2014-ka .
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar oo halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay inay u tahay Somaliland guul u soo korodhay, maadaama laga dhabaynayo in la soosaaro Shiidaalka oo ka mid ah Khayraadka uu dalkani leeyahay.
Shirkaddan Genel Energy oo ka mid ah kuwa ay heshiisyada aan Baarlamaanku ansixin la gashay wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland, waxa laga leeyahay dalka Turkiga, waxayna hawshan iska kaashanayaan shirkadda Asante Oil oo Ingiriis ah iyo kuwo kale.
www.Somalidiasporanews.com,
Hargeysa, Somaliland