|

Guddoomiyaha golaha Guurtida oo ka hadlay xilka wasiirnimada Khaarajiga Soomaaliya ee loo magacaabay Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden iyo saamaynta kaga iman karta qadiyada Somaliland

Hargeysa 06-11-2012 (SDN)– Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aaden, ayaa ka hadlay xilka loo magacaabay Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada, ahna Raysul-wasaare kuxigeenka xukuumadda cusub ee Soomaaliya, wuxuuna guddoomiyuhu sheegay in cid kasta oo xil ka qabata Somaliya ay dabiilayaal qaran ka yihiin Somaliland, isla markaana la marinayo sharciga.

Guddoomiye Saleebaan oo maanta u waramayey Telefiishanka Qaranka Somaliland (SLNTV), ayaa isaga oo ka jawaabaya sida uu u arko xilka Wasiirka arimaha dibada ee Somaliya looga magacaabay marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden iyo xilalka kale ee la hadal hayo in loo Magacaabayo siyaasiyiin Somaliland ah, waxa uu ku jawaabay; “Waa Dambiile Qaran (Foosiye Yuusuf Xaaji Aaden), waxay meesha ka saarayaan jiritaanka iyo Madax-banaanida Somaliland, halkii kuwii hore la mariyey ayuun baa la marinaya, kama sokeeyo, kamana foga, waa dambiilayaal qaran oo wixii xeer iyo sharci ah ee inoo yaalaa la marinayaa.”

Dhanka kale, Guddoomiye Saleebaan waxa uu xukuumadda ugu baaqay in si degdeg ah loo soo qabto gacan-ku-dhiiglayaashii labada qof ee shacabka ah todobaadkan ku dilay deegaanka Oog ee gobolka Sool.

Waxa kale oo uu gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland ka hadlay dad ay Ciidamada Puntland ku dilen degmada Badhan ee bariga gobolka Sanaag.

www.Somalidiasporanews.com

Hargeysa,

Comments are closed