Doorashadii Madaxweynaha Mareykanka oo maanta loo dareeray iyo waxa musharexiintu qabanayaan
New York Nov 06,2012(SDN)-Doorashadii Madaxweynaha Mareykanka ayaa maanta looga dareeray guud ahaan dalkan Mareykanka,iyada oo musharexiintuna ay ku kala mashquuleen arrimo kala duwan.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta wakhtigiisa la qaadan doona qoyskiisa iyo la taliyeyaashiisa sar sare.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa in aanu wax olole ah sameyn maanta oo uu ciyaaro kubedda Koleyga oo uu ciyaaro maanlin walba oo uu doorasho ka qeybgalayo.
Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney ayaa isagu berito codeynta ka dib lagu wadaa in uu sii anba qaado ololaha doorashada oo uu la hadlo qaar ka mida taageereyaashiisa.
Romney ayaa tira koobyada ay soo saarayaan warbaahintu waxa ay tibaaxayaan in uu ka taageero hooseeyo madaxweyne Obama.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com