|

Warbixin:Soomaalida Sweden waxa ka fursado wanaagsan kuwa Mareykanka

Stockholm Nov 06,2012(SDN)-Soomaalida ku nool Sweden ayaa ka fursado shaqo yar kuwa ku nool dalalka Mareykanka iyo Canada,sida ay daabacda warbixin dhawaan ay daabacday guddi ay dawlada Sweden u saartay xaaladaha shaqo ee Soomalida.

Soomaalida ku nool dalalka woqooyiga America ee Mareykan iyo Canada ayaa intooda badan heysta shaqooyin halka Soomaalida ku nool dalka Sweden ay boqolkiiba labaataan shaqeeyaan.

Daraasadan oo loogu magac daray”Soomaalida iyo suuqa shaqada,Sweden maxeey ka baran kartaa?’ayaa waxaa soo bandhigay wasiir is dhexgalka mujtamaca ee dalka Sweden Erik Ullenhag.

Warbixinta ayaa lagu xusay in sababta Soomaalida Woqooyiga Amerika ay tahay gacanta ay ka helaan xarumaha aan dawliga aheyn oo gacan ka siiya arrimaha shaqaaleynta iyo guriyeynta.

Qoraaga warbixinta Benny Carlsson oo bare ka ah jaamacada Lund ayaa sheeega in qorshaha dawlada ee ah in iyadu ay caawiso soogelootiga ay tahay mid laga fiican yahay.

Carlsson ayaa sheegay in ay tahay in xarumaha aan dawliga aheyn lagu wareejiyo hawsha la xiriirta caawinta Soomaalida.

Wasiirka isdhexgalka mujtamaca Erik Ullenhag ayaa sheegay in soo jidamaha ku xusan warbixinta ay yihiin qaar macquul ah balse taxadar loo baahan yahay.

“Soo jeedimaha ku xusan warbixinta waa qaar loo qaateen ah,waxaanse leeyahay in mashaariicda lagu gacan qabanayo Soomaalida in gebi ahaantooda gacanta loo geliyo xarumaha Soomaalida ee adeegyada fidiya”ayuu yiri wasiirku.

Isku soo xooriyoo warbixintan ka hadleysa shaqa xumida heysata Soomaalida Sweden ku nool ayaa ah tii u horeysay ee nooceeda ah ee sawir ka bixisa xaaladaha shaqo ee Soomaalida.

SDN-Stockholm

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed