Gollaha Guurtida Somaliland oo ansixiyay xeerarka Sirdoonka iyo Wada marida
Hargeysa Nov 05,2012(SDN)-Kal fadhi ay maanta isugu yimaadeen gollaha Guurtida ee Somaliland ayaa waxa lagu ansixiyay xeerarka Sirdoonka Somaliland oo tirsigiisu yahay 59/2012 iyo xeer kale ee Wado marida 56/2012 ka dib ka fiirsi ay soo gudbinta ku sameeyeen.
Gollaha ayaa xeerka Sirdoonka iyo ka wada maridaba toosin ka dib codgeliyay ayaa maanta la ansixiyay.
Xeerka Sirdoonka ayaaney jirin cid ka hortimi oo waxa u codeeyay 52 mudaneyaal,halka mid qura uu ka gaabsaday.
Xeerka Wadamarida ayaa dood ka dib waxa la geliyay cod,kadibna waxa u codeeyay 48 mudeneyaal,halka afar kalena ay diideen.
Labada goorna ma uu codeeyn gudoomiyaha gollaha Guurtida Somaliland Md Suleymaan Maxamuud Aadan oo shirka shir guddoomiyay.
Sidaana waxa ay xeerarkan ugu dhaqan gelayaankolka uu madaxweynaha Somaliland sexeexo.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com