Dawlada Maraykanka iyo Biriten ayaa soo dhawaysay magacaabista Golaha wasiirada cusub ee xukumada soomaliya
Wakaladaha Wararka Nov05/12 (SDN) War saxafaded laga soo saaray wasarada arimaha dibada maraykanka ayaa lagu sheegay in Kaaliyaha wasarada arimaha dibada maraykanka arimaha dhanka siyaasada wendy sherman oo boqasho maalinti shalay ku timid magalada muqdisho ee casimada somalia ay kulan la qaadatay madaxweynaha dalka somalia mudane xasan sh maxamud,afayenka barlamanka cisman maxamed jawari taliyaha ciidamada amisom anduru guuti iyo ku xigeenka wakilka xoghayaha guud ee qm arimaha somalia kuwaasi oo ay kalahadashay tageerada dawlada maraykanka ay u hayso dawlada Somalia.
Ambasador Wendy Sherman oo noqotay masuulki ugu sareeyay oo ka socota maraykanka wax kabadan 20-sano ayaa si diiran u soo dhawaysay soo dhisisa xubanaha golaha wasiirada ee xukuumada raisal wasare shirdon.
Wxa ay madaxada wadanka ugu hambalyeesay horu maradii ugu danbeeyay ee laga samyay somalia ay ugu horeysay dorashadii afayenka barlamanka ee 20-ki bishi agust iyo doorashadii madaxweynaha jamhuriyada somalia oo dhacday 10-ki bishii september.
Mrs wendy sherman ayaa xaqiijisay sida ay dawlada maraykanka uga go,an tahay si wadida in la tagero hananka nabada wadanka Somalia.
Sidoo kale warsaxafadedka kasoo baxay wasarada arimaha dibada maraykanka ayaa lagu amanay taliyaha ciidamada amisom andru guti hawgaladii amisom ay al-shabab kaga saaren deegano dhawr ah ay kusugan yihiin shacab farabadan waxana ay shacisay maraykanka in uu taagerayo ciidamada midawga afrika iyo kuwa somalia si ay u gutaan wajibatkooda masuuliyaded ee ka saran amni lagu soo dabalo dhaman Somalia.
Ugu danbentii warsaxafadedka ayaa lagu shegay in ganacsatada somalia ayb muujiyen geesino ay ku hormarinayan dhaqaalaha wadanka 20-kii sano ee lasoo dhafay uu wadanka foodada ku jiray.
Dhanka kale dawlada wadanka biriten ayaa soo dhaweysay ku dhawaaqisya golaha wasiirada cusub ee xukumada Somalia.
Wasiiraka arimaha afrika ee wasarada arimaha dibada Biriten mark seymondez aya sheegay in uu hanbalyo u diraayo xukuumada cusub oo maalinti shalay uu ku dhawaqay raisal wasaraha Somalia.
Waxaa uu hadalkisa intasi ku daray in ay si aad ah u soo dhaweynayaan xukumada lasoo dhisay oo ay laba haweyn ay kujiran midasi uu tilmamay in ay tahay xaqiijinta dawrka hawenkla ay ku leeyihiin dhisida dalka Somalia.
Mr seymondez ayaa ugu baaqay barlamanka somalia in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku mel mariyaan xukuumada cusub.
xigasho wakaladaha wararka
qurbojoog.com