Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland: “Dowladda Cusub waa inaysan samayn wax caqabad ku noqon kara wada hadalada labada dhinac u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland..”
London Nov 05/12 Dr.Maxamed Cabdulaahi Cumar Wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland ayaa sheegay in wadahadalada u socda Somaliland iyo Dowlada federaalka Soomaaliya inay soo dhaweeyeen labada dhinac wada hadaladaasi Dowladan cusubna ay soo dhaweysay wadahadaladaas Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu shaaca ka qaaday in marka Dowladda cusub ay nidaam sameysato Somaliland diyaar u tahay in ay sii socdaan wada hadalaoodii ka dhaxeeyay labada dhinac. Sidoo kale wasiirka arimaha dibada Somaliland oo wareysi siinaayay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa ugu baaqay Dowlada cusub inaysan sameyn wax caqabad ku noqon kara wada hadalada labada dhinac u dhaxeeya soomaaliya iyo Somaliland .
wada hadala somaliland iyo soomaliya ayaa la filaya inay caqabad ku noqto Wasiirka cusub ee la magacabay isaga oo wasiirku ka gaabasaday inuu ka hadlo Magacibista Wasiirka Arimaha Dibada ,.
Xafiiska wararka Qurbojoog
london