|

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Mamnuucay In Ay Ururadu Isticmaalaan Fagarayaasha Magaalooyinka

Hargeysa 04-11-2012(SDN)- Komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa maanta joojiyay isticmaalka ololaha doorashada deegaanka ee fagaareyaasha beerta Xoriyadda iyo Khayriyooyinka wareegyada labaad iyo sadexaad ee kaltanka Ololaha doorashadda.

Komishanku waxay sidaasi ku sheegeen war-saxaafadeed ay maanta soo saareen oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Md. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), waxaana lagu sheegay inay xisbiyadda iyo ururaddu ay isticmaali doonaan wareega afraad ee ololaha fagaareyaasha waaweyn.

“Qaabka ololaha dorashada magaalooyinka waawayn ee derajada A

Mudanayaal waxaynu hadda ku guda jirnaa ololihii doorashada iyadoo aynu u gudbayno wareega labaad, ilaa haddana si nabadgelyo ah inoogu dhacday.

Haddaba mudanayaal waxa jirta in magaalooyinka waawayn derajada A ay cabashiooyin ka yimaadeen ku saabsan isticmaalka beerta xorriyada iyo fagaarayaasha khayriyooyinka.

Sidaa darteed, wareega labaad oo ku beegan maalinta bari ah ee 5-ta November 2012 ilaa iyo bilawga wareega afraad waxa lagu wargelinayaa ururrada/xisbiyada inaanay isticmaalin karin fagaarayaasha beerta xorriyada iyo khayriyooyinka iyo wixii gaadiid ah ee xanibaad iyo saxmad ku keenaya waddooyinka, isla markaana khatar gelin kara naftooda iyo dadka kaleba.

FG: waxaa la ogol yahay in wareega afraad la isticmaalo fagaarayyaasha beerta xorriyada iyo khayriyooyinka, hase yeeshee wax gaadiid ah oo waddooyinka xaniba lama isticmaali karo marnaba.”

www.Somalideasporenews.com Hargeisa Office

Comments are closed