|

Qaramada Midoobey oo dib u guratay ka dib sheegidii Ugaandha ee in ay ka baxayaan Soomaaliya

New York Nov 04,2012(SDN)-Qaramada midoobey ayaa dib u gurasho ka muujisay eedo ku xusan warbixin ay qortay guddi madax banaan oo ka waramaysa faro galin ay Ugaandha ku heyso dalka ay jaarka yihiin Congo.

Ugaandha ayaa shalay shaacisay hadii QM aaney eedahaa ka noqon in ay ciidamadooda kala bixi doonaan Soomaaliya.

Warbixintan madaxa banaan ee loo guddbiyay QM ayaa si ba;an u soo bandhigtay caqabada ay Ugaandha ku tahay nabad waarta oo sal dhigata Congo.

Hardeep Singh Puri oo ah safiirka dalka Hindiya ee gollaha Amaanka ayaa sheegay in warbixinta eedaha ku qoran aan weli la horkeenin.

“Warbixinta eedaha ku xusan ma aha qaar QM ay ka warheyso,Ugaandhana waa dal muhiim u ah amaanka dhawr oo Soomaaliya ay ugu muhiimsan tahay”ayuu yiri.

Hardeep Singh Puri ayaa intaa raaciyay in qoraalka madaxbanaan uu ka turjumayo afkaarta QM.

Dawlada Ugaandha ayaa caga jugleynteedii shalay ee in ay ka baxeyso Soomaaliya waxa ay sababtay in QM ay dib u gurasho aan nooceeda weli hore loo arag keento.

SDN-New York

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed