Soomaali London ku nool oo Dibad-bax ku dalbaday in Qaadka la joojiyo
London Nov 04,2012(SDN)-Soomaali ku nool dalka UK ayaa isu soo bax ay ku hor qabteen xafiiska raiisul wasaare Davis Cameron waxa ay ku dalbadeen in la joojiyo isticmaalka maandooriyaha qaadka.
Qaadka oo Mareykanka,Canada iyo dalal kale oo fara badan oo galbeedka ku yaal mamnuuc ka ah ayaa hadan UK si sharci ah looga cunaa.
Soomaalida isu soo baxa sameysay ayaa ku andacoonayay in Qaadku uu fara baas ku hayo Soomaalida UK oo caafimaad iyo bulsho burburba ku keenay.
Abukar Cawale oo isku soo duba riday banaanabaxa ayaa saxaafada u sheegay in uu qudhiisu ka mid ahaa cunayaasha maandooriyaha Qaadka.
“Qoysaska uu Qaadku burburinayo cadadkoodu waa qaar aan maxkaxdu qaadan karin”ayuu abukar yiri.
Guddi la talis ah oo baara aafooyinka maandooriyeyaasha oo dalka UK ka jira ayaa haatan ku hawlan baaritaano ay ku sameynayaandhibatada Qaadka.
Qaadka ayaa la aaminsan yahay in uu camal la’aan,caafimaad xumo iyo burbur qoys ku hayo Soomaalida sida ba’an ugu cunta UK.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com