|

Gudomiyaha isku xidhka jaliyadaha sland bariga iyo badhtamaha arfica s ahna xoghayaha xisbiga ucid ee bariga Africa ee xisbiga ucid sheegay inu yahay xisbiga ucid ka kaliya ee isku wada kara sland bari ilaa galbeed

Gudomiyaha isku xidhka jaliyadaha sland bariga iyo badhtamaha arfica s  ahna xoghayaha xisbiga ucid ee bariga Africa ee  xisbiga ucid sheegay inu yahay xisbiga ucid  ka kaliya ee isku wada kara sland bari ilaa galbeed

(KampalaTHN)Gudomiyaha jaliyadaha bariga badhtamaha Africa ahna xoghayaha xisbiga ucid ee bariga iyo badhatmaha Africa Md abdi risaaq Mohamed daaud cigaal,ayaa waxa uu waramay  shabakada caalamiga ah ee togaharer news Md abdi risaaq waa masull in badan ka soo shaqeeyey danaha reer Somaliland ee bariga iyo badhtamah Africa in badan kasoo shaqeeyey sida daladaha ama ururada ardayada reer Somaliland waxaanu ahaa  gudomiyihii ugu horeyey ee aas aasay ururka ardayda reer Somaliland dalka ugandha gaar ahaan jamacada  stilaorance university ahna family siyaasada in badan ku soo dhex jiray kana soo jeeda family madaxweynihi hore somailand  Mohamed xaji ibrahin cigaal  allaah naxariiste.

Gudomiyaha ahna xoghaya ucid e bariga iyo badhtamah Africa hadabo mar uu gudomiyuhu ka dhawajiyey arimo dhowr ah ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sida tan.

Dorashooyinka inagu soo fool leh   waxanu yidhi waxa jira dorashooyin wadankeena ka qabsoomaya bishan ay ku jirno oo ay ku tartamayaan  asxaab iyo ururo,hadabo waxaan doonaya inana uu soo jeediyo dhamaan bulshada Somaliland meel kasta oo ay aduunka ka nool yihiin  gaar ahaan Somaliland , hadabo waxaan ognahay in wadankeenu soo maray maraaxil kala duwan oo aan xasuusanay 22 sano oo aan hadba meel maraynay

,taas oo aan ku soo gadhnay  horumar badan lakiin la odhan karo dhamaystir maha oo wali waxba dhiman uu baahan in laga sii wado,hadabo manta waxaan ognahay dalka Somalia oo ka jiray burbur badan in isbadal  weyni ka dhacay xaga dhalinyarada inkasto wali wax uu dhiman yihiin taas oo la odhan karo inay ka danbaysay  waxa mesha yimid dhiig cusub oo dardar tooda wata ,waxaanad mooda inay xaga inaga fiican yihiin iyago an dheer nahay waliba nabad  iyo dowladnimo hadabo shacabka iyo bulshada Somaliland  muwaadinta  dhalinyarada aqoonyahanka culuma awdiinka haweenka dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan waxaan uu soo jeedinaya inay manta codkooda uu madax bananadaan ,halka manta ay ku jirto maslaxada dantooda iyago ka tagaaya qabiil danaysi kale .

Gudoomihu isago hadalkiisa sii wata waxa yidhi ninki reer doonayow intuba waa isku reer iyo isku dan   hadabo waxa loo bahan yahay isbadal dhab iyo wajiyo cusub ,waxa maanta shacabka reer Somaliland uu hiileyey gudomiyaha xisbiga ucid  eng faysal ali waraabe oo dimuquradiyada dhabtaha maanta Kusoo kordhiyey saaxada siyaasada isago keenay dhiig cusub, una ogalaaday dhalinayarada iyo aqoon yahanka maantana garan kara halka ay ku jirto baahida dhabta ah ee reer Somaliland midaasna waxa keenay faysal ali Warabe  waan arin ku dayasho mudan waana king of dimuqrasi.

Waxa maanta iyana  jirta  Jamaal ali xusein waxa lagu dhaliila lacag buu sita hadabo miyaanay ahayn hantu uu sita suaasha is weydinta mudani  waa maxay hadafka uu doonaya, waxa halka ka cad inuu yahay muwaadin dhab ah oo dalkiisa umadiisa fikirkiisa  iyo aqoontiisa ugu shaqeeyo shacabka jamhuriyada Somaliland, ee aanu uu soo xoolo doonan.

Hadabo waxa shacabka xalasha ah uu soo jeedinay inay maanta inay aad uga fiirsadan codkooda galinayan oo aanay ciil kaanbiyin  doorashada ka dib oo ay xisbiga ucid codkooda siiyan kaas oo dhalinyaro fikir culus hogaaminayan horana uu ahaa xisbi jira.

Waxa kale gudomiyuhu ama xoghayuhu  xukumadaa usoo jeedinaya  iyada xisbiyada furtay iyada ka masuul ah amniga wax kasta oo ku yimaadana dorashada iyada ka masuul ah waxaana looga baahan yahay inay wax kasta oo ku taxaluuqa dhankeeda dorashad inay aad iska ilaaliso,dhanka kale xukumadu waa inay dhex uu noqota xisbiyada iyo ururada inay dhex uu noqoto .

Komishanka waxaan iyana leeyahay howsha aad umada uu haysan wa howl culus ilahayna ahydinku garab galo waxaanad gacanta ku haysaan cadaaladii dhex dhexaadnimadi umada waana inaad cadaalad uu samaysan .

Dhanka kale waxa gudomiyuhu ama xoghayuhu hadalkiisa ku soo afmeeray salaadiinta culuma awdiinta  inay iyana dhankooda  ay kala shaqeeyan xukumaada  iyo komishan ahaan xaga nabada,ugu danbaynta waxaan leyahay asxaabta ama ururada siyaasada inay ku qancaan natiijada ka soo baxda dorashooyinka dalka.

 

Waxaa ku saxeexan xoghayaha xisbiga ucid ee bariga badhtamaha Africa  iyo gudomiyaha isku xidhka jahliyadaha bariga iyo badhtamaha Africa

Md abdi risaaq Mohamed daauud

+256791547085

Cigaal105”hotmail.com

 

 

XAFIISKA SHABAKADA TOGAHERERNEWS BARIGA IYO BADHTAMAHA AFRICA

UGANDHA /KAMPALA

khadarbitijoor@hotmail.com

+256791661106

 

 

 

 

 

Comments are closed