Suxufiyiin Lagula Taliyay Inay Hubka Qaataan
MuqdishoNov 03,2012(SDN/Hubaal)-Ergeyga Xoghayaha guud ee Qarammadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Augusting Mahiga, ayaa markii u horraysay weriyaasha Soomaaliya ka hawlgala u soo jeediyay inay qaataan hub ay naftooda ku difaacaan.
Danjire Mahiga oo shalay weriyayaasha kulan kula yeeshay Muqdisho, ayaa cambaareeyay dilalka loo geysto weriyayaasha Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay baahida ay u qabaan inay naftooda difaacaan oo ay qaataan hub, “Weriyayaasha Soomaaliyeed waa inay qaataan hub ay naftooda ku difaacaana” ayuu yidhi Augusting Mahiga oo intaa ku daray in kooxaha Al-shabaab iyo ururada la midka ahi ka danbeeyaan oo ujeedadoodu tahay inay xannibaan warbaahinta.
Mahiga waxa uu sheegay inaanay dawladda Soomaaliya awood u lahayn inay weriyayaasha ka difaacdo dilalka kala duwan ee loo geysto, sidaas daraadeedna weriye kastaa naftiisa hubeeyo oo isku difaaco.
SDN/Hubaal-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com