Musharax ilhaam Xassan Faleebo Oo Hargeysa Ku Soo Bandhigtay Cududa Taageereed
Hargaysa Nov 02/12 Musharax ilhaam Xassan Faleebo Oo Hargeysa Ku Soo Bandhigtay Cududa Taageereed oo ka mid ah Musharixiinta Urur Siyaasadeedka Rays uga sharaxan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa maanta Fagaaraha Beerta Xoriyadda ee Magaaladda Hargeysa ku soo ban-dhigaytay Cududa Taageero iyadoo subaxdii hore ee saaka isugu soo baxay barxada hore ee Xafiisyada Ololaha Musharaxan ee Degmooyinka , iyaga oo daafaha Caasimada Hargeysa ka soo raacay Gaadiid Basas u badnaa, kuwaas oo sitay Calanka Ururka Rays oo ay ku ka Sharaxantahay oo Nambarka Musharaxa loogu codaynayo oo ah 502, kaas oo ay ka lulayeen Daaqadaha Gaadiidka ay saarnaayeen.Ilhaam Taageerayasheeda uu uga mahad-naqay sida ay isugu soo baxeen ee ay u muujiyeen taageeradooda, iyada oo xustay in cududa waxayna muujisay inay ku guulaysto tartanka ay ugu jirto Golaha Deegaanka Hargeysa, waxanay balan-qaaday inuu wax badan ka qaban-doono Adeegyada Bulshada Caasimada.