Xisbiga UDUB:Cali Warancade Waxaa la yaab leh waa ninkii reerkiisa Shakhsi kali ah ka soo heli kari waayey ee laba goor Xisbiga jabiyey inuu taageerayaal gaar ah sheegto
Hargeysa Nov 01,2012(SDN)-Qoraal ka soo baxay xisbiga UDUB ee qaadacay ololaha doorashooyinka dalka ayaa jawaab looga bixiyay xubno uu hogaaminayay Cali Warancade oo ahaa musharixii xisbigaa ee madaxweynenimada oo ku biiray ururka Wadani.
Qoraalkan oo uu ku sexeexan yahay Xoghayana guud ee xisbiga isla markaana ah ku-simaha guddoomiyaha Md Cabdixaliiim Maxamed Muuse ayaa kiyoo dhameystiran waxa uu u qoraa sidan;
“waxaan ku wargelinayaa Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee XisbigaUDUB, Guddoomiyeyaasha iyo Guddiyada Gobolada, Guddiyadii iyo taageerayaashii Dibadaha iyo dhammaanba taageerayaashii Xisbiga UDUB ee Mabda?a Xisbiga ee Xalaasha ah ku soo hadhay inaanay Jirin wax iska baddeley Go?aankii Xisbiga ee lagu qaatay inaan lagu kala milmin, lana kala Godbin Xisbiyada iyo Ururada tartamaya maadaama Xisbigu qaadacay Doorashada Degaanka, kana mid ahayn Xisbiyada/Ururada ku tartamaya doorashada Degaanka ee 28 November, 2012.
Sidaa darteed waaxaan halkan uga gudbinayaa Dhammaanba Bahweynta Xisbiga UDUB
1. In Xisbigu ka tanaasulay in wax carqalad ama mudaharaad ah lagu sameeyo Doorashada aanu ka qayb ahayn nabadgelyada awgeed.
2. In Xisbigu ka shaqeeyo sidii ay doorashadu ugu dhici lahayd si nabadgelyo ah oo xalaal ah isagoon marnaba ka kala godob galayn Xisbiyada/Ururada tartamaya.
3. In Xisbigu si nabadgelyo ah u sii wadanayo Garnaqsigii ku saabsanaa Jiritaanka Xisbinimadiisa, taasoo aan la hayn sabab sharci oo uu Xisbigu ku lumin karo Shahaadadiisa Xisbinimo maadaama oo aan gafkii G/Diiwaangelinta kaga yimi wax garawshiiyo ah laga siin loona ogolaan fursad uu ku tartamo.
4. In Xisbigu sii joogtaynayo kulamadiisii todobaadlaha ahaa si mar walba la isula socdo.
5. In Xisbigu soo dhawaynayo, meelna isugu wada keeni doono xubnihii miisaanka lahaa ee ka cadhooday cidda xisbigu u sharaxay Jagooyinka Madaxweynenimada, ama tabasho kaleba tirsaday, balse ilaa hadda ka midka ah Madaxdii Golaha Dhexe iyo Fulinta Xisbiga UDUB.
6. Waxa marwalba karaamada iyo sharafta Xisbigu ku jirtaa Wadajirkiisa ilaa talada u dambaysa ee uu si wada jir ah ugu go?aan qaato.
7. Waxaan Bahweynta Xisbiga UDUB ka raali gelinayaa Tallaabada Md. Cali Warancade ku wiiqayo Xisbiga oo aanu ku matalin Xisbiga UDUB, maadaama oo jagadii uu Xisbigu u sharaxayna la laalay, kana mid ahayn Gudiga Fulinta ee Xisbiga balse ahaa Xubin Gole Dhexe oo aan Xubnaha kale waxba dheerayn. Waxaana la yaab leh ninkii reerkiisa Shakhsi kali ah ka soo heli kari waayey ee laba goor Xisbiga jabiyey inuu taageerayaal gaar ah sheegto, Xisbiguna ugama dulqaadan doono wixii dhaawac ku keenaya”.
Allaa Mahad Leh
Cabdi Xaliim Maxamed Muuse
Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB
Ahna Ku Simaha Guddoomiyaha Xisbiga UDUB