|

Shiraaqle oo Soo Bandhigay Qoddobada Sharci ee Komishanka Somaliland Ku Musuqay Qandaraaskii Gaadiidka

HargeysaNov 01,2012 (SDN/Hubaal)- Shirkadda Shiraaqle Company oo kamid ah Shirkaddihii tartanka u galay qandaraaskii  lagu bixiyey  gaadiidka doorashada ayaa  Komishanka doorashooyinka ku eedeeyey Musuq maasuq iyo wax is daba marin loo maamulay qandaraaskaas.

Shirkadda Shiraaqle oo Warbaahinta shalay war murtiyeed u qaybisay ayaa ka hadashay mawqifkeeda ku wajahan tallaabadaa qandaraaska loo bixiyey iyaga oo ku baaqay in wax laga qabto caddaalad darrada iyo sifooyinka sharciga baal marsan ee Komishanku  la shir yimi.

Qoraalka Shirkadda Shiraaqle oo dhamaystiranina waxa uu udhignaa sidan: “Waxaanu halkan ugu soo bandhigayna xukuumada, shacabka  reer soomaaliland, iyo deeq bixiyayaasha inaga taageera dhaqaalaha doorashooyinka cabasho iyo tabashooyin ku saabsan sidii loo bixiyay qandaraaskii gadiidka loogu talo galay inay guraan alaabta iyo shaqaalaha doorashada deegaanka.

Haddaba, siday sheegeen shirkadii naga horeeyay, waxa dhacday in kuminshanka doorashooyinka qaranku xubno kamid ahi,ay si badheedh ah oo cadaaladaro ah ay u bixiyeen qandaraaskii gaadiidka guraya shaqaalaha iyo sanaaduuqda, ayna siiyeen  shirkado ay dano gaara ka leeyihiin,  iyada   oo ay ka leexdeen shuruucdii qadaraaska loo tartamay, iyadoo loo baahnaa haday sidaas yeelayaan oo sharciga baal marayaan inaanay tartansiinin shirkadaha ee ciddii ay doonaan siiyaan, hadaba  waxay shirkaduhu galeen tartan shuruudo badan leh, oo si fiican loo qeexay waxyaabaha laga doonaayo shirkada tartamaysa, iyo sida loo qiimayn doono oo faafaahsan. Haddii aan wax ka taabto, sida ku qoranayd waraaqaha tartanka waxay ahayd sida hoos ku cad:

1.    In shirkadu gobol kasta tartan gaar ah oo gal gaar ah ku jira soo gudbiso, taas oo qiimaha gobolka ay shirkadu ku doonayso, baauburta ay u diri doonta, iyo dogmentiga qandaraasku ku jiraan.

2.    In boqolkiiba konton (50%) lagu qiimayn doona awooda waxqabad iyo qoraalka shirkada (technical score), taas oo ay ku jirta sida ay shirkadu u qeexdo ku talgakeeda ay shaqada u fulinta doonta, tirada iyo noocyada baabuurta ay adeegsan doonto iwm.

3.    In boqolkiiba konton (50%) lagu qiimayn doona qiimaha shirkadu soo bandhigto

Haddaba, waxaa jirtay inay gudida doorashooyinku tartanka ku fureen madal ay fadhiyeen wakiilada shirkadaha tartamay, ka dibna ay sheegeen shirkad kasta wixii ay si sax ah u keentay, wixii ka dhinaa, iyo cadadka lacagta ay ku soo tartantay, ka dibna ay sheegeen in la isu soo noqon doono saddex maalmood ka dib. Haddaba, waxaa dhacday inay Komishanka doorashooyinka in sideed maalmood ka dib iyaga oo aan cidna isugu yeedhin in ay Internetka nooga sheegeen in 2 shirkadood ku gulaysteen tartankii.

Sidaas darteed, waxaa muuqataa in laga leexday nidaamkii tartanka iyo sidii qiimaynta loo qeexay, waxaana taas daliil u ah qodobadan soo socda:

1.    Waxaa madashii tartanka lagu furay laga sheegay in anaga (Shiraaqle) iyo shirkad kale mooyaan aanay shirkadaha intooda kale soo gudbin waraaqihii tartanka oo gobol-gobol ah

2.    Waxaa nasiib daro ah in laba shirkadood oo aan marka hore isku darsan tartanka la wada siiyo qandaraas mid kastaba gooni ugu tartamayay, sharcigii tartankana kuma jirto

3.    Waxaa kale oo ayaan daro ah in afhayeenka komishanka oo maanta shaaciyay in labada shirkadood ee ay qandaraaska wada siiyeen mdiba sadex gobol tartanka ku ku guulaysteen, taas oo hore loo sheegay inaanay labada shirkadood u soo xarayn tartankii gobol-gobol markii lafuray tartanka.

4.    Warar xogogaal ah oo suuqa kujiraa waxay tibaaxayaan  in xubna ka mid ah Komiishanka doorashooyinka isla garteen inay lacagta u kordhiyaan shirkadaha ay hada siiyeen qandaraaska gadiidka daabulka agabka doorashada ee ay leeyiin waxbaanu u qaybinay.

Guntii iyo gegabadii waxaanu leenahay, haddii xubnaha Komishanka Doorashooyinka ay si badheedh ah u baalmareen shuruucdii tartanka, kuna fashilmeen inay u garsooraan lixdii shirkadood ee ku tartamay qandaraaska, lagama filan karo inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah.

SDN/Hubaal

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed