Puntland Oo Ka Bacawday Socdaalka Cabdiweli Gaas Kuna Amartay Inuu Ka Baxo
Boosaaso Nov 01,2012(SDN/Hubaal) – Maamul goboleedka Somaliyeed ee Puntland, ayaa raysal-wasaarihii hore ee dawlada Somaliya Cabdi-weli Maxamed Cali (Gaas) ku amartay inuu ka baxo Puntland.
Cabdi-weli Maxamed Cali (Gaas) oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaanka Somaliya, isla-markaana maalmihii u dambeeyay socdaal ku marayey deegaano ka mid ah Puntland, si uu ugu kuur-gallo xaalada dadka deegaanadaasi ku dhaqan, ayaa shalay amar Maamulkaasi soo saaray amar ah inuu joojiyo socdaal uu doonayey inuu ku deggo deegaanada bariga gobolka Sanaag, waxaana lagu amray inuu ka baxo Puntland, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha gobolka Bari
Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Galan, ayaa warbaahinta u sheegay in amarkaasi ka soo baxay Madaxda sare ee Puntland, loona baahan yahay in loo hogaansamo isla-markaana uu Gaas ka baxo Puntland.
Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa isagu amarkaasi ku gacansaydhay inuu u hogaansamo, wuxuuna sheegay inaanu ka baxayn Magaalada Boosaso isla markaana aanu joojin doonin Safarkiisa uu ku mari doono Deegaano ka tirsan Gobolada Bari iyo bariga Sanaag ee Somaliland, waxaanu sheegay inuu yahay muwaadin xaq u leh inuu si xor ah ugu dhex noolaado dadkiisa.
Amarkan ayaa ka dambeeyay tuhuno maalmihii u dambeeyay soo baxayey oo Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ka qabbo in Mr Gaas uu doonayo inuu kula tartamo doorashada Madaxwaynenimada Maamulkaasi, socdaaladiisa gobolada Puntland-na yahay olole.
Tallaabadan ayaa waxa ka cadhooday dadka Bosaaso, waxaana kacdoon laga dareemayaa Boosaaso iyo meelo badan oo Puntland ah.
SDN/Hubaal-Bosaaso