25 Qof Oo Xaflad Aroos Ugu Dhintay Khatar Ay Sababtay Caadooyinka Dhaqan Ee Bulshada Sucuudiga
Cayn-bedar Nov 01,2012 (SDN/Hubaal) – Inta la ogyahay 25 qof ayaa ku dhintay xaflad aroos oo habeen hore ka dhacday Magaaladda Cayn-bedar ee dalka Sucuudi Arabia, waxaana dhaawacmay ku dhawaad 30 kale.
Dadkan ayaa ku dhintay dab ka kacay guriga xaflada aroosku ka socotay, ka dib markii sida la sheegay rasaas cirka loo ridayey cuskatay xadhka laydhka ee guriga, kuwaasi oo uu ka dhashay dab si kedis ah halkaasi uga kacay.
Xafladan arooska ee Masiibadu ka dhacday oo warbaahinta adduunku aad u hadal hayso maanta ayaa dadkii ku dhaawacmay la geeyay cisbitaalada ku yaala dalka Sucuudiga si loola tacaalo dhaawacyada ka soo gaadhay dabkan Masiibada ah.
Amiirka Gobalka ay ka midka tahay Cayn-bedar Muxamed bin Fahad bin Abdulaziz ayaa amar ku bixiyey in baadhitaan lagu sameeyo masiibadan ka dhacday arooska ee ay ku dhinteen 25-ka qof isla-markaana ku dhaawacmeen tiradda intaasi ka badan.
Dadka Sucuudiga ayaa caado ama dhaqan u leh inay xafladaha waaweyn ee aroosyadu ka mid yihiin ugu debaal-deggaan rasaasta iyo waxyaabaha qarxa, inkasta oo dhawaan dawlada Sucuudigu soo saartay amar lagu mabnuucay in rasaas loo addeegsado debaal-degga xafladaha, si looga digtoonaado masiibadan oo kale.
SDN/Hubaal-Ceyn Bedar
contact@somalidiasporanews.com