|

Sanad Guuradii 11Aad Ee Aasaaskii Ucid. Shirwaynaha 5Aad Golaha Dhexe.Heshiiskii July Ee Garabkii Udub Iyo Ansixintiisii 28/10/2012 Q/2aad

Bismilaah

 

(KAMPALASDN)Waxaan halkii kasii anbaqaadi doonaa qormadii aan ku soo qaatay aasaaskii xisbiga qaran ee ucid. 

shirwayhisiisa 5aad ee dhawaan dhacay. iyo meel marintii heshiiskii bishii July ee dhawaanta la ansixiyay

Hadaba dadka reer somaliland gudo iyo dibadba way ka dharagsan yihiin. taariikhda xisbiga iyo ujeedada 

uu u taagan yahay. oo wax badan halkaa kaga noqon maayo waxaanse sii yara faahfahinaya ujeedada haatan

ee is balaadhinta xisbiga.

 

Waxa Ay ka muuqataa Is Balaadhintu golahiisa dhexe oo la gaadhsiiyay 300 halka fulintiisana la gaadhsiiyayilaa 55 xubnood.

taasoo looga dan leeyahay in maadaama xisbigu wado qorshe is balaadhin oo uu rabo inuu deeqo dhamaan Shacbi waynaha

gobolada dalka ee 6da ah. wuxuu wax wayn ka badalay siyaasadiisa iyo saamiyadii uu qaybin jiray inkastoo markii horeba uu 

cadaalad ku dhisnaa qaab dhismeedka xisbigu. hadana waayaha ayaa iska leh gadgadoon ee waxa u gar-waaqsaday in aad loo 

balaadhiyo oo la deeqsiiyo beelaha iyo gobolada iyo dagmooyinka dalka oo dhan.

 

Hadaba gudoomiye ku xigeenada waxa la gaadhsiiyay ilaa 5 halka murashaxa iyo gudoon ka laba laga kala dhigay. taasoo dad badan

oo gudaha dalka iyo dibadaba joogaa ay ku soo dhiiradeen in ay soo galaan xisbiga maadaama uu yahay kan qudha ee u dhisan 

qaranimo. taasi alxamulilaah way u suura gashay xisbiga oo hadii aan soo qaato Qurbe Jooga dalka waxay maanta muujiyeen iyagoo 

isku duuban. inay soo galaan xisbiga sababtaas ayuu u noqday xisbiga hogaaminaaya maanta taageerada Qurbe Jooga.

 

Hadii aan in yar ku noqdo doorashadii 2010 ee madaxtooyada waxa Qurbe Joogu u badnaayeen kulmiye sababtoo ah waxa laga soo horjeeday

udub Qurbe Joogu waxay si ba,an ugu soo noqdeen dalka. waxaanay qaateen kaadhadhkii codbixinta si ay macaal codkooda ugu yaboohaan 

is badalka ay markaa doonaayeen. hadaba dadkaa reer somaliland ee wakhtiga rabay inay codkooda wax ku badalaan may lahayn u jeedooyin

Principles waawayn oo ku qotoma taageerada ay siinaayeen madaxwayne siilaanyo.

 

Qorshuhu wuxuu ahaa sidee looga tuuri karaa Daahir Riyaale. waxaanay is tuseen in xisbiga kaliya ee u badheedhi karaa yahay kulmiye. oo ahaa xisbiga koowaad

ee ugu awooda wayn mucaaridka markaa taasaa u suuro galiyasay taageerada qurbe jooga oo macno wayn ku fadhidaY Ama Ku Fadhida Had Iyo Jeer..

 

Hadaba xisbiga ucid isagoo ka faaiidaysanaaya taariikhaha dhawaanta ina soo martay.wuxuu ku mitidayaa taageerada qurbe jooga isagoo u dhisaaya

aasaas ama foundation taageero ku fadhida. taageero aan inaga noqon tii kulmiye loogu yaboohay ee aan u jeedooyinka sii waawayn lahayn. wa in ujeedada

taageersada qurbe jooga maantu ahaataa mid ku dhisan mabaadii oo la dhiiri galiyaaa Waxaanan gudoomiyaha ku bogaadinaya magacaabista xubinta qurbe joogaa

ee EU da u qaabilsanaan doonta xisbiga maadaama xisbiga ka register garaysan yahay ururka socialist ka aduunka Wadamo badan oo EU da ku jiraana ay qayb 

ka yihiin ururada bahoobay ee socialist ka taasna waan ku hambalyaynayaa gudoomiyeha. xilkaa uu soo wado 

 

Waxaan ku rajo waynahay inuu xisbigu noqon doono xisbiga kooowaad muxaafid iyo mucaarid ba. waxaanan leeyay taageerayaasha xisbiga laba taloba

waa tii alle. ee malaa xisbiga waxa alle SubxanahuWatacala La damcay inuu ka waynaado title kii hore. ee ahaa xisbiga 3aad ee somaliland. Plan A Maanta xisbigu waa xisbiga 

koowaad. 

 

Waxaan ugu bushaaraynaya Gudoonka Xisbiga Aabaha Ucid Aaabaha Dimuqraadiyada somaliland iyo aabaha nidaamka Multy Party System Ee Somaaliland

Mudane Faysal Cali Inuu ku bushaaraysto gudo iyo dibadba Taageero.taageeradii awal la siin jiray in la sii laban laabay. waxa kale oon u bushaaraynaya iyagana dhamaan

madaxda sarsare ee xisbiga. sida murashaxa koowaad mudane Jamaal Cali iyo M/wayne ku xigeenka xisbiga u tartami doona hadii alle yidhaa Mudane cabdirashiid hassan

iyo dhamaan ku xigeenada iyo xoghayaha guud Iyo xoghayaasha kale ay ugu horayso maryo Faadumo Siciid.iyo 300 ee golaha dhexe iyo xubnaha flinta ee 55ka ah

iyo guud ahaan taageerayaasha gudo iyo dibadba.

 

Waxaan Leeyay waxaad u soo xusheen umada dad idinka soconaaya. waxaan si gaar ah u aqaanaa dhamaan inta laga soo sharaxay caasimada hargeisa

waxaanan qabaa inay yihiin dad xisbiga ka soconaaya. oo aqoon durugsan u leh hawlaha dawlada hoose.waxa kale oo aan aad ugu mafsuudnay xildhibaanada

dagmada berbera gobolka saaxil ee xisbigu soo xulay. iyo dagmada boorame ee gobolka awdal kuwaasoo ahaa dad magaalooyinkaasi yaqaanaan waxay galaan iyo

waxay gudaanba. dad diyaar u ah inay wax wayn ka badalaan qaab dhismeedka ay u yaalaan magaalooyinkaasi. waxa kale oon ku diirsanay dhamaan gobaladii 

kale ee 3da ahaa ee isu soo baxay maalintii shalay ahayd taageeradoodana muujiyay.

 

Si kastaba ha ahaatee wax kastaa waxay leeyiin measurement ama Qiyaas lagu cabiro wax kastoo ay tahayba. in badan ayaynu maqalnaa specially BBC Ama ALJazeera iyagoo leh

Dadka Siyaasada Odorosa Ama Dadka Arimaha Suugaanta Lafa Gura. Ama Dadka Dhaqaalaha Analys Gareya Ama Arimaha Bulshada Ama Iyadoo La Leeyay Warbixin 

kasoo baxday xafiiska WHO (World Health Organization) Oo Lagu Sheegay Cudur Ay ka digayaan ama war bixin kale oo meel ama wadan ay ka diyaariyeen badanaana u badan

Digniin ama warbixin.  Warbixinaha caynkaas ah ee organizations kaa ka soo baxa dadku way rumaystaan oo wixii result kasoo baxana way aqbalaan sababtoo ah waxa sheegay

meelo ama haayado lagu kalsoon yahay oo adeegsaday cilmi Iyo aqoon iyo research . waxaan uga dan leeyay dadka arimaha siyaasada iyo xisbiga odorosa ama runta ka sheegaa waxay isku raaceen in xisbiga ucid yahay kan maanta badbaadinta dalka magan ta looga yahay…….

 

La Soco Qaybta 3Aad

 

By Mohamed Haliil Xaji Cabdi

MYUUSUF25@LIVE.COM

+60176393476

MALAYSIA

 

 

WARIYE KAHDAR BITIJOOR

 

khadarbitijoor@hotmail.com

 

+256791661106

Xafiiska SDN ugandha kampala

 

 

  

 

 

 


Comments are closed