Taliyihii ciidanka Soomaaliya ee Hiiraan oo maanta lagu dilay Beledweyne
Beledweyne 31, October 2012 (SDN)- Taliyihii ciidanka dawladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, ayaa maanta lagu dilay is-rasaasayn ka dhacday magaalada Beledweyne ee badhtamaha dalka Soomaaliya.
Taliyahan oo magaciisa la odhan jiray Muumin Maxamed Il-dhigte, waxa uu dhinta ka dib markii ciidan uu watay ay isku dayeen inay qaadaan isbaaro ay ciidan kale dhigteen mid ka mid ah jidadka magaaladaas, taasoo dhalisay in is-rasaasayni dhexmarto labada dhinac.
Iska-horimaadka labada dhinac oo ka wada tirsan ciidanka dawladda Soomaaliya, waxay bilaabtay markii ay kuwa isbaarada dhigtay diideen inay qaadaan jid-gooyadaas.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay dhimashada taliyahaas geeriyooday xilli uu ku hawlanaa hagaajinta amaanka magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolkaas.
Waxa la sheegay in ciidanka dawladda ee ku sugan Beledweyne ay dhawr jeer cabasho ka muujiyeen mushahar la’aan in muddo ah haysata, iyadoo taliyahani noqonayo kii u horeeyay ee ku dhinta tan iyo markii ciidamada dawladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwo Itoobiyaan ah ay dabayaaqadii sannadkii hore magaaladaas ka qabsadeen kooxda Al-Shabaab.
Qurbejoog.com, Beledweyne