|

Duufaannada ku Dhuftay Maraykanka oo Bad iyo Berriba Qarqiyey

New-york Oct 31,2012(Hubaal-W/wararka)- Duufaano waaweyn ayaa hafiyay Dalka mareykanka, kadib markii ay  dabaylaha xawaaraha ku soconayaa maalmo ka hor waxyeelo ka geysteen dalalka Cuba iyo Haiti.Duufaanka oo subaxnimadii Isniinta  ku dhuftay wadankaas ayaa illaa xalay saqdii dhexe  socday iyagoo sababay cabsi weyn oo dadku ka qabaan noloshooda  in ka badan 7 boqol oo kun oo qoyskna ka qaxeen guryahooda, kuwaas  oo u hayaamay  Gobollo ka fog deggaankooda sida  Washington, New York Iyo Philadelphia iyo Waliba Gobollada Bariga xiga ee Webiga Michigan iyo Badda Ocean ay maraan, kuwaas oo masiibooyinka duufaantu haleeshay.

Duufaanta (Hurricane Sandy), waxay inta badan   siddaa Biyo aad u xoog badan, Meelaha ugu daran ee laga Qaxay waa South Carolina iyo Cape May oo ka tirsan New Jersey una jirta magaalada New York City 200 oo KM. Shaqaalaha Dawlada iyo Caruurtii Iskuulaadka magaalooyiinka Washington iyo Philadelphia ayaa gebi ahaanba la fasaxay.

Wadooyinka ugu caansan dalka Maraykanka ee isku xidha Gobolada dalkaas waa Buundooyinka lagu magacaabo Holland iyo Brooklyn-Battery waxayna xidhan yihiin maalintii labaad. Magaalada Newyork iyo Washington DC. Waxaa la xidhay dhammaan Gaadiidkii Dadweynuhu raaci jiray, sida  Basaska  iyo Tareennada, waxaana Xaafadaha Wabiyada iyo Badaha u dhow laga qaxiyey Dadweynihii ku noolaa.

In ka badan 7.400 oo duulimaadyo Diyaarado ka iman lahaa dunida oo dhan iyo kuwii ka duuli lahaa dalka Maraykanka ayaa ilaa amar dambe dib loo dhigay. Xawaararaha Duufaanta Hurricane Sandy ayaa lagu qiyaasay  inay saacadii  ku socon karto 44-Km.

 

Waxaa ka socda dalka Maraykanka isku gurmasho, waa Gobalka Minnesota laga diray, Boqolaal ciidamada la dagaalama Dabka  kadib markii  dab kadhashay Korontada oo Biyaha dhexgashay, taas oo laga cabsi qabo inay sababto halis ah in Biyuhu noqdaan Koronto Dadka ku dhagta. Waxaa Xaafado badan laga jaray Laydhka baqdin laga qabo in Dab kadhasho,  ama Biyaha la isticmaalayo ay Koronto isku badalaan iyo kuwa lagu dhex soconayo.

 

Duqa magaalada New York ayaa iclaamiyay in lakala diray shaqaalaha xarunta Q.Midoobe sidoo kale wuxuu sheegay in qeybo badan oo magaalada katirsan ay ka jarmeen korontadii iyo biyihii kadib markii ay duufaantu ciladaysay adeegyadaasi, isla markaana laga baqay in khasaare intaa ka badan ka dhasho.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka mareykanka, ayaa isu bedelay Bad, iyadoo ay kusoo caaryeen magaalooyinka Maraakiibta Bada maraysay iyo kuwo ku xidhnaa marsooyinka magaalooyinka qaarkood. sidoo kale waxa guryaha iyo shaaracyada Biyihu ka dhigeen bada lagu arkayaa  libaax badeed ay duufaantu soo qaaday oo wadooyinka yaal, waxaana suurta gal noqon weyday in dab damisku adeegsadaan baabuurta dab damiska, taas oo ku khasabtay inay doonyo ku dhexmaraan biyaha iyo dabka is haysta.

Warbaahinta aduunka ayaa qaarkood soo bandhigeen sawiro iyo muuqaalo muujinaya dabka holcaya iyo roobka dusha ka haya ee aan baqtiinayan dabka, taas oo la yaab noqotay.  waxaana jira burbur iyo khasaare  xoogan oo ka dhashay masiibadaa, kaas oo 27 sanadood kadib dhaqaalaha mareykanka ku habsaday.

SDN-New York

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed