Sir Laga Soo Xigtay Villa Somalia oo Lagu Sheegay In Wasiirka Khaarijiga Somaliland Xil Wasiirnimo ka Codsaday Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud
Addis-ababa Oct 31,2012(SDN/Hubaal-W/wararla)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda JSL Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa la sheegay inuu Quudaraynayo Xil wasiirnimo oo looga magacaabo Xukuumadda Cusub ee Soomaaliya loo dhisay, isaga oo ka codsaday Madaxweynaha dalkaasna Xasan Sheekh Maxamuud in loo magacaabo wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya.
Sida lagu daabacay bogga wararka ee shabakada Togaherer.com oo warkan aanu ka soo xiganay Wasiirka arrimaha dibedda iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Dr, Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya uu farriin u diray Madaxweynaha Soomaaaliya taasoo sida laga soo xigtay guriga madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ay shabakadu sheegtay in Dr. Maxamed Cabdillaahu Cumar uu Quud dareeyey in uu ka mid noqdo wasiirrada dhawaan la soo magacaabi doono siiba wasaarada arimaha dibada oo uu immika Somaliland u matalo.
Warku waxa uu intaa ku daraya in Wasiirku codsigiisa ku xusay in haddii hadda dowlada cusub jago looga waayo laga warhayo oo lagu soo darro wakhtiga uugu horaysa ee ay munaasib noqoto.
Dr Maxamed Cabdillahi Oo la sheegay ku dhashay kuna barbaaray koonfurta Soomaliya siiba Gobolka Bay ayaa ku doodaya in uu aqoon u leeyahay waxna ka qaban karo arrimaha koonfurta Somalia isla markaana uu doorwayn ka ciyaari karo midnimo dhexmarta wixii laysku odhan jiray Somalia, Sidooo kalena waxaa jira qodob uu u cuskaday Magacaabistiisa mustaqbalka oo ah in Labada Dhibac Ee Somaliland iyo Koonfur uu isagu ka dambeeyey xidhiidhkaa caalamiga ah ee la isugu soo dhawaynaayo labada dal.
Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi ayaa hadalkiisu ku yaraa In dhawaalahanba saxaafada S malilan oo Aanay ka muuqanMadalihii lagu bartay Sidoo kalena Firfircoonidisii hoos u dhacday intii dowalada cusubi ka dhalatay wadanka Somalia isagoo ka mid ahaa masuuliyiintii ugu horaysay ee hambalyeeya madaxweynaha cusub ee Somalia arimahan iyo qaarkale oo badan ayaa sii labanlaabay run ahaanshaha wararka sheegaya u hanqaltaaga iyo rajada uu wasiir Mohamed Cabdilaahi ka qabo xil uu ka qabto dowlada Somalia.
SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com