|

Wasiirka Macdanta Somaliland:Shidaal qodista dalkeena waxa ay ka bilaabaneysaa 2014ka

Cape Town Oct 31,2012(SDN)-Wasiirka wasaarada Macdanta Somaliland Md Xuseen Cabdi Ducaalle oo saxaafada kula hadlay Shir Koonfur Africa uga Socda wadamada Africa ee Shidaalku dhulkoodu ceegaago ayaa sheegay in dhawaan shidaal qodis laga bilaabi doono Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in ay sadex shirkadood haatan heystaaan heshiisyo ay horena ugu baareen Shidaal iminkana ay tahay in ay bilaabaan shidaal soo saarida.

Wasiirka Macdan Somaliland Md Xuseen Cabdi Ducaalle ayaa sadexda shirkadood ku kala sheegay Ophir Energy Plc (OPHR.L), Jacka Resources (JKA.AX) iyo Genel Energy (GENL.L),oo uu madax ka yahay madaxii hore ee shirkada caalemiga ah ee BP (BP.L)  Tony Hayward.

Wasiirku waxa uu saxaafada u sheegay in sanada 2014 la bilaabi doono qodida shidaalka Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu saxaafada u sheegay in dhawaan ay Somaliland tegi doonaan qaar ka mida madaxda sare ee shirkadaha Shidaalka caalamka.

Gaar ahaan waxa uu xusay madaxii hore ee shirkada caalamka ugu weyn shidaal soo saarista BP Tony Hayward oo haatan madax ka ah Genel Energy uu Somaliland tegayo bisha November lixdeeda.

Wasiirka Macdanta Somaliland ayaa haatan u jooga Cape Town ka qeybgalka shirka African Oil.

Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu shirka ka jeediyo khudbado uu sawir uga bixinayo kheyraadka ceegaaga Somaliland.

SDN-Cape Town

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed