Mucaaridaw wax toosi ee ha noqon mid wax dumiya
Waxay Somaliland u qaadatay nadaamka Demuqraadiga ee xisbiyada badan in ay xisbiyada mucaaridku dawlada ka toosiyan wixii qaloocan. Dalkeenu imika wuxu ahaa Demuqraadi in aad u fura badan. Inkastoo uu ku amaanan yahay dadkiisu isu tanasalbadan ay sameeyen markii u khilaaf siyaseedood soo kala dhex galay beryihi hore. Run ahaantiina shacbigu arrintasi iyada ah aad bay ugu amaananyihin oo haddanay isu tanasil lahayn dadka iyo dadkuba darxuma iyo dagaal uun bay ku danbayn lahaayeen, waanaga ay sameyeen weeyan waxa nabadgelyada manta keenay. Waxba taa ku dheeraan mayo oo dadku way la wada socdaan marxaladihi kala duwana ee dalku soo maray.
Hadaba aan hoos u daadago e, waxad is leedahay markaad waxyaabaha qaar aragto talow dadkani ma waxa iskaga khaldamay Xoriyatul qawlkii qofku xaqa u laha iyo aflagaadada loo gaysanayo masuulada dawlada (personal attack). Hadaad imika akhrido waxyaaba lagu qoro Websitks ama wargeysyada yaabu ilaahay kuu keenaya. War dadka qaar waxad isodhanaysa mala dadkani waxay u baahnayeen Dugsi adaab in la geeyo ama loo sheego sida dadka loola dhaqmo.
Waxan taa ka wada walaal hadaad doonayso, inaad wax ka qorta khaladka dawlada ilayn way dhici karta inay dhacdo oo baniaadan baan nahay ee waxa lagaga baahanyahay inaad ku soo gudbiso qoraalkaaga kiiyo aan qofna wax u dhimayn laakiin dhaliisha aad arkadtay sheegaya adigoo u haya wax cadayn ah. Sida qoraalo laga hayo masuulka oo cadaynaya khaladkiisa, cajaladu muujinaya hadalada deeldhaafka ee uu ku hadlay, ama haddii aad hayso hanti la’alunsaday oo aad garanayso sidii khaladku u dhacay. Waxaasoo dhan waxad Kusoo gudbisa iyagoo ah qoraal , kaasoo aan ku gafayn shaksiyada masuulka dawladeed ama Hay’dood laakiin la sheegayo khaladaadkiisa oo cad. Adigoo sameyay baadhitaan rasmiya oo lagu kalsoon yahay si ay doodaadu u adkaato.
Dalka iyo dadkuba waxay sharaf ku leeyihin inay meesha jirto kala danbayn iy istixgelin. Nin baa manta masuul ah adna beri baad la wareegi oo xilku waa meerto. Taasina waxay wadanka u horsaydaysa wada shaqayn bulshadada dhexdeeda ah, asluub iyo isixtiraan. Tusaale, ahaan imika dalkan aan joogno ee Ingriiska waxa sanadkii hore ka dhacday in ay Jariirad dalkan ka soo baxda ay ku eedaysay rag iyo dumar doora oo ka mid ah aqalka wakiiladooda (member of parliments), iyadoo lagu soo eedeyay in ay masuuliyintaasi lunsadeen lacago badan oo ay ku sheegeen gunooyin iyo qaar ay ku qabteen shaqooyin dheeraad ah. Jariiradaasi waxay baadhaysay arrinta in fara badan markii ay cadaymahoodi soo heshay ayay wax ka qortay.
Nimankii madaxda ahaa ee la soo eedeyay ma qabsan kuwii waxa qoray sababtu waxa weeye cadayn bay soo bandhigeen. Markaa waxay iyagu ku dhaqaaqeen uun in ay sidii ay arrinta ku dhamaynlahaayeen ku fekeraan sidii ay lacagta ku celin laheen iyo sidii ay khaladka ay galeen raali galin uga bixin lahaayeen
Hadaba, waxan halkan in badan ka akhriyay dad badan oo u soo tafa xaytay inay masuuliyiinta iska aflagaadeyaan iyagoon soo bandhigin cadayn ay arrinta ku cadaynaayaan. Mida kale waxa wax la la yaabo ah war bal xukuumadii hore ee Dahir Riyale markii xukunka lagala wareegay waynu garanayna meeshii ay taagnaayeen, in dhulalkii danta guud oo dhan ay iibsadeen, markii ay xukunka wareejiyeen lacag khasnada ku jirtay majirin, daynba lagu lahaa, shaqaalaha oo bilaa mushahar ah . Waxa inta dheerayd saacadaha shaqada oo ahaa saacad yar oo kaliya in la shaqeeyo. Laaluushka oo si cad xafiisyada dawlada loogu kala qaadin jiray. Dhismayaasha kaabayasha sida wadooyinka, iyo qaar kaleba la dhiso hadal keeda daa, iyo dhismayasha gooramada diyaaradaha oo ah muraayada dalka oo darxumaysna.
Adigoo hore u soo arkay waxaasoo horumar la’an ay ku sifawday xukuumadi tan imika ka horeysay, ayaad hadana horumarka manta soconaya kaaso qof waliba uu indhihiisa ku arkayo aad qiri la’adahay sida maamul wanaaga, hantida danta guud oo la lailaalinayo taasoo ay ugu danbaysay markuu madaxweynuhu dhawan laha wixii danta guud ee hore looqaatay kuli ha la soo celiyo, sumcad wanaag wadanka ah iyo dhamaan kaabayasha wadanka oo si fiican u socda sida wadooyink, garoomada diyaaradaha iyo wixii la midahba. Waxaasoo dhan halkan kuma soo koobi karo.
Ugu danbayn, waxan hadalkayga ku soo koobaya waar ninkii mucaarid sheeganayaw way kuu furantahay dooduye soo gudbi wax cad oo la taaban karo, kuwaasoo markhaati u noqda waxaad xukuumadan ku dhaliilayso. Anigu kuma lihi waxba ma jiraan ee wixii khalad ah ee xukuumadu leedahay ku so gudbdi iyagoo cadayntooda wadata adoon qofna u gafin, waana sida siduu dimuqraayadu iyo xoriyatul qawlku qabo.
Qalinkii
Adan Jama Kahin
Gudomiye ku Xigeenka
Xisbiga Kulmiye ee UK
Isla markaana ah
-Xildhibaanka Deegaanka
Campebel Park & Fishermead,
Milton keyne, UK