Gudomiyaha urur siyaasadeedka NDB ee Somaliland oo soo gartay Muqdisho lana Shaciyey in loo magacabaayo Raysal Wasare Ku Xigeen
Muqdisho Oct 30/12 Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii NDP ee ku hadhay Tartankii kala reebista ee ugu horeeyay ee Axsaabta iyo Ururadda Siyaasadda Somaliland Marwo Fowsiya Yusuf Xaaji Aden ayaa shalay soo gaartay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Foosiya X Aadan wararka laga helayo ayaa sheegaya inay Muqdisho ku sugan Tahay Una Raadsatay Xil siyaasadeed oo Miisaan leh, kaa soo aan ilaa hadda si rasmi ah loogu dhawaaqin, balse wararka Hordhaca ah ee laga helayo magaaladda Muqdisho ee ay heshay shabakada qurbojoog.com ayaa sheegayain laba xil oo culusi Miiska u saran yihiin, kuwaasoo kala ah Raysal Wasaare ku-xigeenka koowaad iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dawladda Somaliya.
Marwo Fowsiya Yusuf Xaaji Aden iyo Madaxweynaha Somaliya ayaa la sheegayaa in ay ka wada shaqayn jireen Aas aaskii Jaamacadda Hargeysa, wakhtigaas oo ay Foosiyi Guddoomiye ka hayad madaxweynuhuna Mashruuc Qaramadda Midoobay ku kaalmaynayeen Hormood ka ahaa, waxaana la sheegayaa wada shaqaynta wakhtigaas dhex martay inay sahashay in madaxweynuhu ku xulan doono.
Horay waxa magaaladda Muqdisho u tagay Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii Gurmad Nuur Faarax Xirsi, waxaana la sheegay in isna Gudoomiyahaan uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho .
Muqdisho Qurbojoog.com