|

Duufaano Ruxay Bariga Mareykanka iyo khasaaraha ilaa haatan

New York Oct 30,2012(SDN)-Duufaan loogu magac daray Sandy ayaa bariga Mareykanka shalay ilaa xalay diqaan diqaha ka dhigtay oo welina faro baas ku heysa.

Gobolka New York ayaa khasaare baaxad lihi dufaanta iyo Rroobabka ay sidato u geysteen,ka dib fatahaadyo baaxad leh.

Wadooyinka iyo xaafadaha qaar ayaan leydh lahey oo madaw ah,sidoo kale waxa fatahay dhabooyinka Treenadu maraan ee Hoose.

Wadooyinka ayaa la xanibay,shacabkana waxa lagu booriyay in ay aqaladooda ku negaadaan inta duufaantu dhaafeyso.

Dufaanta ilaa iyo haatan la hubaa in ay dishay ilaa 10 ruux,waxaase jira khasaare baaxad leh oo muuqda,balse aan weli la qiimeyn.

Masuuliyiinta Dawladeed ee heerarka kal duwan ayaa shacabka dignoono u jeedinayay maanta oo idil.

Waxaana haatan soo dhacay war sheegaya in Duufaantu awoodeedii ay korortay waana cabsi hor leh oo soo wejeheysa dadka ku nool Bariga Mareykanka oo idil.

SDN-New York

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed