|

Daraasad Caddaysay in Dawadda Indhaha ee Dhibic-dhibicda loo Isticmaali Karo Daaweynta Bidaarta

New York Oct 30,2012(SDN)-Daraasad cusub oo la sameeyey, ayaa sheegaysa in waxyaabaha ku jira dawadda dhibic-dhibicda ee indhaha loo isticmaalo dawaynyta bidaarta ama timaha madaxa ee duula, sidaana waxa shaaciyey cilmi-baadhayaal.

Tijaabo lagu sameeyey waxyaabaha ay ka kooban tahay dawadda biyaha ah ee dhibic-dhibicda lagu daweeyo indhaha, ayaa khuburo cilmi-baadhis ku samaysay ay shaaciyeen in marka si ka duwan loo isticmaalo dawadan ay wax wayn ka tarto daaweynta bidaarta, inkastoo ilaa hadda ay socdaan tijaabooyin hordhac ah oo ku saabsan dawadan, ayaa waxa si toos ah loogu daraasadaynayaa bal in waxyaabaha ay ka samaysan tahay dawadan si toos ah loola xidhiidhsiinayo inay dib u soo celin karto timaha daata ee ragga iyo dumarkaba labadoodaba.

Haddaba, isku jirka noocyadda dawadan ka kooban tahay oo la kala yidhaa Lumigan iyo Bimatoprost, ayaa marka sida loogu tallogalay loo isticmaalay ee indhaha la arkay inay si xawli ah u koriso timaha indhaha, waxaanay khuburadii daraasadan samaysay ay sheegeen in ay ku guda jiraan siday ugu fiirsan lahaayeen in saamaynta dawadan ku yeelatay timaha indhaha ee xiribaha ay saamayn sidaas oo kale ah ku yeelan karto inay dib u soo celiso timaha nasinta.

Si kastaba ha ahaatee, labada maado ee ay ka kooban tahay dawadan ee bimatoprost iyo Lumigan, ayaa daraasadu sheegtay in labadooda oo wada socda ay carin ku sameeyaan koriinka timaha yaryar ee daldaloolada bidaarta, sidoo kale waxa si toos ah loo oggaaday in dheecaano ku jira labku ay masuul ka yihiin koriinka timaha ee ku yaal shafka, gadhka iyo timaha madaxa ku yaal.

 

 

Comments are closed