SAMO-TALIS: Tartankii Guddoomiyenimada Guurtida iyo Xaaji Cabdi-Waraabe, Qalinka Siciid M Gahayr Qaybta 6aad
Xubnihii la socday wefdigii booqashada ku gaadhay Ingiriisku waxa ay ku soo laabteen dalka, marka laga reebo Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf, Guddoomiyihii Golaha Guurtida oo xaalad caafimaad ugu hadhay Ingiriiska, kuna jiray cusbitaal ku yaalla caasimadda Landhan si loogu daaweeyo, looguna baxnaaniyo xanuunka la darsay. Sheekh Ibraahin waxa uu dhakhtarkaas ku jiray muddo illaa 2 bilood iyo dheeraad ah, halkaas oo uu ku geeriyooday 22-Julaay-2004.
Kolkii uu warka geerida Sheekh Ibraahin soo gaadhay magaalada Hargeysa, waxa la galay xaalad murugo iyo baroor-diiq ah. Waxa iska soo daba dhacay tacsida Qaranka Somaliland, Qoyska iyoSaaxiibbada Guddoomiyaha loogaga tacsidaynayo geerida naxdinta leh. Madaxweynihii Somaliland ayaa ku dhawaaqay toddoba cisho oo baroor-diiq ah, kuwaas oo Idaacadda Hargeysa Quraan mooyee la joojiyay barnaamijyadii kale. Dharaaro kaddib, oo ah 26/Julaay/2004-ta waxa Sheekh Ibraahin si heer qaran ah loogu aasay Qudbiga Sheekh Madar ee ku yaalla Hargeysa. Aaska Sheekh Ibraahin waxa ka soo qayb galay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Xisbiga KulmiyeAxmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, Wasiirro, Xildhibaanno, Culimo, Aqoonyahanno iyo kumannaan dadweynaha ka mid ah.
Si loo buuxiyo jagada muhiimka ah ee uu ka baxay Sheekh Ibraahin, waxa ay Golaha Guurtidu u fadhiisteen shir degdeg ah, kulankaas oo lagu go’aamiyay in Sheekh Axmed Sheekh Nuux oo ah Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Guurtidu uu si ku-meel-gaadh ah u hayo Guddoomiyenimada Guurtida, tan iyo inta laga dooranayo Guddoomiye cusub, kaas oo la filayay in uu noqdo mid ka mid ah Guurtida.
Jagada Guddoomiyaha Guurtida waxa isu soo sharaxay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtida oo kala ah:
1.Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh Madar
2.Muxumed Aw Aadan
3.Maxamed Jaamac Gaaxnuug “Boosh-cadde” iyo
4.Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe).
Waxa sidoo kale jagada Guddoomiyeha Guurtida isu soo sharxay Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), oo aan xubin hore uga ahayn golaha guurtida, kana mid noqday Golaha intii uu geeriyooday Sheekh Ibraahin, oo guurtida ku soo biiray markii kursiga uu u banneeyayxildhibaan Maxamed Diiriye Faarax oo istiqaaladdiisa ay guurtidu ka aqbaleen. Saleebaan Maxamuud waa siyaasi rug-caddaa ah, xilal kala gedisanna ka soo qabtay Somaliland, Doorashada Madaxweynahana kaga qaybgalay shirkii Hargeysa ka dhacay sanadkii 1997-ka, Guddoomiyena ka ahaa Urur-Siyaasadeedka ASAD oo ku hadhay Doorashadii Golaha Deegaanka ee ka dhacday Somaliland 15/Diisambar/2002-da, kuna biiray Xisbiga UDUB.
Xaaji Cabdi iskii isuguma sharrixin Guddoomiyenimada Guurtida, ee waxa uu aqbalay soo-jeedin ay in uu is sharraxo ugu soo bandhigeen Xildhibaanno ka tirsan Guurtida oo u arkayay in uu yahay waayo-arag ka soo qaybgalay xallinta marxalado adag oo dalku soo maray, Guurtidana u noqon kara hoggaan majaraha u qabta.
Olilihii doorashada ayaa bilaabmay, loollan adag ayuu musharrax kastaa galay. Xaaji Cabdi waxa uu ka mid ahaa dadka loollanka baaxadda leh galay, iyadoo ay weheliyaan guddiga olilihiisa oo ka koobnaa Xildhibaanno, Ganacsato, Madax-dhaqameed iyo qaybaha kale ee bulshada. Isaga iyo taageerayaashiisu waxa ay gogol marti-qaad u fidiyeen Xildhibaannada Guurtida si ay u helaan cod ku filan in uu Xaaji Cabdi noqdo Guddoomiyeha Guurtida. Warbaahinta kala duwan ayuu si bayaan ah uga shaaciyay hankiisa.
Dedaalka Xaaji Cabdi iyo taageerayaashiisa waxa caqabad ku noqday abaabul ay wadeen Saleebaan Maxamuud Aadan iyo taageerayaashiisu. Saleebaan waxa garab is-taagay Daahir Rayaale Kaahin iyo Golihiisii Wasiirrada, kuwaas oo sababay in ay hantaan codka iyo kalsoonida inta badan Xildhibaannada Guurtida. Sababta uu Daahir Rayaale u taageeray Saleebaan Maxamuud Aadan waxa la rumaysan yahay si Saleebaan uu uga horgeeyo Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo ay Saleebaan isku beel yihiin, ahaana Guddoomiyeha Xisbiga Kulmiye, oo ahaa Xisbiga ugu awoodda badan Mucaaridka.
Intii uu socday tartanka ololuhu waxa uu Xaaji Cabdi digniin saxaafadda u mariyay wasiirro ku jiray xukuumadda oo si badheedh ah u faro-galiyay Doorashada Guurtida, kuwaas oo uu digniin saxaafadda u mariyay. Isaga oo Xaaji Cabdi ka hadlaya munaasibadda Qalin-jebinta dufcaddii kowaad ee ardayda Jaamacadda Hargeysa oo lagu qabtay Jaamacadda, 11-Ogos-2004-kii waxa uu sheegay in koox wasiiro ahi ugu shiraan guri ay kiraystaan Golaha Guurtida, balse, waxa uu ugu hanjabay in ay kuraastooda waayi doonaan haddii aanay joojin dhaq-dhaqaaqyada ay ka dhex wadaan Golaha Guurtida.
“Golaha Guurtida waa wada murashax, xataa aniga oo ugu weyn Golaha, inamadiina yar-yar ee aanu shalay anagu keenay waxaad waayi doontaan kuraastiina haddii aydaan joojin dhaq-dhaqaaqyada iyo hadalada aad suuqa ka wadwadaan,” ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe.
Waxana uu intaas raaciyey; “Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirada waxaan leeyahay Guurtidayada ninka ugu liita haddii uu naga soo dhex baxayo iyaga ayaa xaq u leh (Jagada).” Waxana Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-Waraabe) carrabka ku adkeeyey in Golaha guurtidu isagu xaq u leeyahay talada ciddii ay u dooranayaan xilka Guddoomiyahooda, Isla markaana loo daayo Amuurahooda.
Laba cisho ka hor intaan la qaban doorashada, waxa bidhaamay ilays xaqiijinaya taageerada mugga leh iyo kalsoonida uu Saleebaan ka haysto Guurtida kaddib markii cod aqbaliyad ah lagu ansixiyay xubin-nimadiisa Golaha. Wax ay dabaysha ololuhu dhacdaba, wax laga dhursugo cidda libinta haleeshaba, wax loo dheg-taago masuulka loo caleemo-saari doono mid ka mid ah kursiyada ugu mudan Goleyaasha Qaranka, waxa loo asteeyay dharaartii ay qabsoomi lahayd Doorashada Guddoomiyeha Golaha Guurtidu.
Kolkii la isugu yimi gegadii doorashada, oo qabsoontay 24/Ogos/2004-ta waxa lagu waaberiistay si ka duwan sidii la filayay. Kolkii uu arkay miisaanka taageerada uu Saleebaan haysto, Xaaji Cabdi waxa uu habeennimadii ka horreysay subaxa doorashada go’aan ku gaadhay in uu ka tanaasulo musharraxnimadiisa si aan guurtidu u qaybsamin, una kala weji dadbin qofka xilkaas qabta. Intii aan codaynta la bilaabin ayaa waxa cod-baahiyaha qabsaday Xaaji Cabdi oo madasha ka jeediyay khubad aan ku tilaami karo in ay tahay khubaddii ugu caansanayd khudbadihiisa, oo noqotay hal-qabsi iyo hal-kudheg caan baxay. Khubaddu waxa ay ahayd hoga-tus iyo iftiimin caddaynaysa waxa keenay tanaasulkiisa iyo tilmaan sheegaysa gefaf uu arkay oo uu si aan gabbasho lahayn u xusay.
Khubaddiisuna waxa ay u dhignayd sidan:”Nin baa guursadey Inan qurux badan, wuxuuna Gabbaatigii keenay 15 Halaad iyo Faras Xamari ah. markii gabadhii la siiyey ayaa loo bilaabay in Aqal loo dhiso. Intii aan aqalkii la dhisin ee dhismihii socdo ayaa ninkii arkay Inantii oo dagan [meel cidlo ah joogta], dabadeedna inantii buu dusha kaga dhacay! Inantii baa qaylisay. Soddohdii ayaa tidhi ‘Allah, Inantii waa la diley’ oo way carartay, dabadeed inankii bay tib la dhacday. Buuq iyo qaylo ayaa dhacay. Soddogii oo Inankii meesha ku ogaa ayaa isagoo xiimaya oo qorigii la rooraya goobtii gaadhey. ‘Waar maxaa meesha ka dhacay?’ ayuu yidhi. Waa loo warramay, wuxuuna arkay Inankii oo garba-duub loo hayo. Dabadeed, Soddoggii wuxuu yidhi; ‘Inanka hal baa seegtay, Inanta hal baa seegtay, Soddohdana hal baa seegtay, Anigase waxba i seegi maayaan. Inanka hal baa seegtayoo, dee waataa aqalkii lagu dhisay, gabalkiinna wuu dhacayaa, haddii aad aragtay Inantii dusha kala sheekayso maahee aqalka la sug ayaa ku seegtay. Inantana hal baa seegtayoo, waa ninkaagii oo caawaba waad la hoyan lahayde, haddii uu qaldamay ha ku qaylin baa seegtay. Soddohdana hal baa seegtay oo, kolkii la yidhi Inankii baa Inantii fuulay, dee meesha ha tegin baa seegtay. Anigase waxba i seegi maayaan [wuxuu kala dareeriyey dadkii, arrintiina wuxuu ku soo celiyey caadi]”.
Xaajigu isagoo taas barbardhigaya doorashadii Guurtida, waxa uu yidhi; “Markaa iminka Guurtida hal baa seegtay, Saleebaanna hal baa seegtay, Madaxweynahana hal baa seegtay. Anigase kolkaa waxba i seegi maayaan. Guurtida hal baa seegtayoo, waxa seegtay, waar 82 nin ayaanu nahay oo 82-kayagaa ayuun baanu nin ka soo saaraynaa illayn ninkii dhintay [Guddoomiyihii hore, Marxuum Sh. Ibraahin] keligii ma talinayne. Saleebaan, waxa seegtay, kolkii aan is-sharraxay waddankaba ma joogin, nin is-sharraxayna ma jirin. Waxa seegtay, kolkii uu yimid inuu igu yidhaahdo meel fog baa la iiga yeedhay, dhawr goorna waan dhacay, raggii Guurtida ahaa ayaad tahay ee Adeer maanta ii daa. Saleebaan kaasi waa seegay. Madaxweynuhu waa Inankaygii, waan la soo shaqeeyey. Markii aan is-sharraxay waan u tegey oo waxaan idhi Guurtidii waxay tidhi is-sharrax ee maxaan yeelaa? Wuxuu yidhi ‘kii soo baxa ayuun baan la shaqayne shaqee [is-sharrax]’. Dee waxa u ekayd inuu yidhaahdo ‘Awoow, nin baan meeshaa la damcee, adigu maanta i yeel ee raalli ahoow, oo waxaan ku gudbayaa nin wax innaga tirsanaya. Laakiin, Madaxweynaha taasi way seegtay. Anigana waxba ima seegin”.
© Xuquuqda qoraalkani waxay u dhawran tahay qoraaga ku suntan.
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com