|

“Komishanka Caddaalad u Fali waayey Lix Shirkadood Sidee Bay Ugu Garniqi Doonaan Kumanaanka Musharrax”

Hargeysa Oct 29,2012(SDN/Hubaal)- Laba Kamid ah Lix Shirkadood oo tartan u galay qandaraas lagu bixiyey gaadiidka u daabuli doona qalabka codbixinta iyo hawl-wadeenada doorashada goobaha codbixinta ee gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa guddida doorashooyinka Qaranka ku eedeeyey inay musuqmaasuqeen tartankii ay qandaraaskaas u galeen isla markaan  ay qol madaw ugu qaybiyeen qaar kamid ah shirkadihii tartanka ay wada galeen.

Shirkaddaha Integrated Logistics Solutions iyo East Africa Trading and Services company oo ku jiray liiska lix shirkadood oo u tartamay Qandaraaska (Tender) Gaadiidka doorashada ayaa Komishanka doorashooyinka ku eedeeyey wax is daba marin lid ku ah Waajibaadka ay u dhaarsan yihiin oo ay  ku tilmaameen mid dhiig bax ku ah Garsoor Cadli ah oo laga fisho.

Labadan Shirkadood oo Xalay si wada jir ah warsaxaafadeed uga soo saaray Magaalada Hargeysa ayaa baaq u diray Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adda Dhinaca doorashooyinka ka Caawisa Somaliland ee Inter Peace, iyadoo ka codsaday inay wax ka qabtaan caddaalad darrada ay ku eedeeyeen Komishanka.

Warsaxaafadeedkaas oo Nuqul kamid ahi soo gaadhay Wargeyska Hubaal ayaa waxa isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan: “Annaga oo kala ah labada shirkaddood ee magacyadoodu kala yihiin Integrated Logistics Solutions iyo East Africa Trading and Services company, waxa  aanu halkan ku soo gudbineynaa War-saxaafadeed aanu ku sheegeyno caddaalad-darro iyo eex baahsan oo aanu kala kulanney Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL.  Waxaa lagu baahiyey mareegta internetka ee u gaarka ah xafiiska doorashoooyinka qaranka Qandaraas, kaasi oo ah Gaddiidka ka shaqeynaya doorashadda ee guraya agabka doorashooyinka iyo shaqaalaha.

Waxaanu ka koobnaa baabuur waaweyn iyo kuwo yar-yar (Lorries and Vehcles) si cadna loogu muujiyey tirada iyo nooca gaadiidka oo lagu salleeyay lixda gobol ee dalka oo dhan, taasi oo loogu talo galay lugta hore oo ah marka sanaaduuqda codbixinta la geynayo deggmooyinka Doorashada oo 21 degmo ah, lugta labaadna ay tahay goobaha codbixinta.

Waxa uu si cad oo aan muran ku jirin dhukumentiga qandaraaska lagu caddeeyey shuruucda looga baahan yahay shirkadda soo codsanaysa iyo nidaamka laga rabo ee ah in la maro oo ay ugu muhiimsan tahay xagga Farsamada, Qiimaha iyo Awoodda shirkadda. Haddaba waxaanu si habsami ah u dhamays-tirney wixii shuruud iyo qawaaniin nalooga baahnaa, annag oo ah labada shirkaddood ee xaga sare ku xusan. Ka dibna waxaanu xarayney Tender-kii ama qandaraaskii xilligii loogu talo galay oo ahayd 20kii, 10. 2012 ka hor 12:00kii duhurnimo.  Isla markaana waxa nala wargeliyey in galabnnimada maalintaasi oo ahayd Sabti la furi doono 4:00pm. Sidii ballantu ahayd ee ay sheegeen xafiiska guddida doorshooyinku, kuna cadayd qandaraaska shuruudihiisa, dhammaan shirkaddihii danaynayey wakiiladdoodii waxa ay yimaadeen xarunta dhexe ee guddida doorashooyinka. Wakhti kooban ka dib waxa la guda galay hawshii furitaanka qandaraaska gaadiidka iyadda oo ay xagga guddida doorashooyinka  goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha iyo saddex Xubnood oo kale oo ah guddida doorashooyinka qaranka iyo xoghaye kamid ah shaqaallaha guddida doorashooyinka.

Waxa la shaaciyey oo guddoomiyuhu ku dhawaaqay shirkad waliba qiimaha ay ku soo gudbisey qandaraaska si cad oo aan qarsoodi lahayn waxayna kalaahaayeen sidan soo socota: 1. SHIRAAQLEH-$604,000 WADARTA GUUD LIXDA GOBAL. 2. OCT & ALFATXI-$483,076 WADARTA GUUD LIXDA GOBOL.  3. HORN TRANSIT      $512,103 WADARTA GUUD LIXDA GOBAL. 4. DALQAN GROUP-$466,450 WADARTA GUUD LIXDA GOBAL. 5. AMAL-$469,087 WADARTA DUUD LIXDA GOBAL. 6. ILS &EAST AFRICAN GROUP  $353,626  WADRATA GUUD LIXDA GOBAL. Sida ku cad shaxda qiimayaasha ay soo bandhigeen tartamayaashu waxa qiimaha ugu jaban ama ugu hooseeya soo gudbiyey ILS iyo East africa.

Waxa la ballamay in 23.10.2012 oo ku beegnayd  Salaasa la shaacin doono  cidda ku guuleysatey iyadda oo loo yeedhayo dhammaan tartamayaasha. Nasiib darro arrintaasi sidii lagu ballamay umay dhicin, waxaana ayaan darro noqotay in 5 cisho dabadeed maalintii ballantu ahayd aanu ka maqalney suuqa in laba shirkadood loo qaybiyey qandaraaskii,  arrintaasi oo noqotay dhacdo ugub ah oo aan hore uga dhicin guddida doorashooyinka qaranka. Xidhiidh aanu la samayney Guddoomiyaha Guddida Doorashooyina Ciise Xamari ayaa noo xaqiijiyey  in laba shirkadood loo qaybiyey qandaraaskii si is leeg.

Waxaanu ka dalbanay in aanu la kulano oo uu na qanciyo, 28.10.2012 oo ku beegnayd Axad ayaanu 10:00-kii Subaxnimo kula kulaney Guddoomiyaha, laba xubnood oo komishanka ka mid ah oo kala ah Cabdifataax iyo Raabi, kulankayagaasi oo qaatey muddo aan ka badneyn 15 daqiiqo wax garawshiiyo ah oo aanu ku qanacno kamaanu helin. Waxaanu kulankaasi ku soo bandhigney nuqullo ka mid ah qandaraaska oo si tafatiran u sheegaya nooca gaadiidka iyo tirada. kulankaasina waxa uu ku gebo-gaboobay Raalli Ahaada.

Haddaba, Iyada oo Hawsha guddida doorashooyinka Qaranku thay mid Xaasaasi ah, isla markaana uu saldhigeedu yahay Caddaalad, WAxa shaki iyo dareen leh in Garnaqa Guddida ay ku jirto Mugdi, waayo Maadaama ay Caddaalad u fali kari waayeen Lix Shirkadood oo Shaqoo ka banaan loo dirayo, sidee bay ugu garniqi karaan Kumanaanka Musharraxiinta ah ee Ka kala Socda Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda?.

GEBO-GEBO:

Dulucda Warsaxaafadeedkayagani waxa aanu si Qadarin iyo sharaf leh uga Codsanaynaa Xukuumadda iyo Hay’adda Interpeace inay Tallaabo ka qaadaan Caddaalad  darrada ay Sameynayaan Xubno kamid ah Guddidu, Si Caddaaladda iyo Maamul-wanaaga loo sugo.” Ayay ku yidhaahdeen Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen labada shirkadood ee  Integrated Logistics Solutions iyo East Africa Trading and Services company.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed