Dawlad Waliba Siday Sharciga U Qiimayso Ayaa Quwadeedu Leegtahay Oo Telefoon Baa La Dhegeystay Dhibaatada Ka Dhacda Waad La Socotaan”
Hargeysa Oct 29,2012(SDN/Hubaal)- Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa qoddob-qoddob u sharraxay haykalka uu u dhisan yahay Qaran madax banaan oo xor ah isla markaana leh sifa dawladnimo iyo nidaamka kala dambeyneed ee lagu yaqaan dimuqraadiga. Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali waxa uu ka warramay qiimaha ay leedahay qaranimaddu iyo jidka ay ku hagto bulshadeeda marka sharciga lagu dhaqo, taas oo uu sheegay in hadba sidii dawladda ay dhistaan u xaq dhawrto nidaamka u degsan ay ku xidhan tahay meeqaamkeedu. Xildhibaanka oo shalay Ka hadlay Dood Cilmiyeed uu soo qabanqaabiyey Machadka SORADI oo Magaalada Hargeysa lagu qabtay ayaa waxa uu ku bilaabay hadalkiisa, “Waxaan doonayaa inaan saddex qoddob hor dhac ka dhigto, Qoddobka koowaad waxa weeye Qarannimada iyo qiimaheeda, waxan aynu doonayno ee aynu raadinayno labaatanka sanno iyo dheeraadka qiimihiisu waa wax maxay istaahila.
Waa haybadaadii, waa noloshaadii iyo karaamadaadii aad caalamka ku lahayd qaranimadu, markaa labaatan sanno waa cimri aad u koobane in boqol sanno loo dadaalo oo dulmi loo qaato bay istaahishaa, tusaale yar oo kooban waxaan idinku siinayaa dalka Koonfur Afrika Sideetan sanno bay ku qaadatay dadka degeni inay aayahooda ka tashadaan, sideetankaas sanno wixii lagu hayay waad ka war qabteen in taayiro ololaya qoorta loo gelinayay.” Ayuu yidhi Xil. Ayaanle. Waxanu intaa ku daray “Qoddobka labaad waxa weeye Sharciga, dawladnimada sharcigu siduu ku yahay?.
Dawlad waliba sida ay sharciga u xaq dhawrto ee ay u qiimayso ayaa quwadeeda iyo karaamadeeduna leegtahay. Waad ka war qabtaan raysal wasaaraha Ingiriiska ama Madaxweynaha Maraykanku sharciga haddii ay wax yar ku gefaan, tusaale ahaan Telefoon baa la dhegeystay dhibaatada ka dhacda waad la socotaan. Markaa Ummaddi intay shuruucda ay dhigato ku dhaqanto ayaa qiimaheedu ku xidhan yahay. Qoddobka saddexaad waxa weeye, wada hadal marka lagu yidhaa, wada hadalkaasi qurubyo ayuu ka kooban yahay oo waxa kamid ah laba dhinac baa wada hadlaya, qaddiyad baa laga wada hadlayaa, meel baa laga wada hadlayaa, iyo dhexdhexaadiye oo u dhaxaynaya labada dhinaac, illeen iyagu afka isla geli maayaane.” Ayuu hadalkiisa raaciyey Xildhibaan Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle.
Intaa ka dib waxa uu Xildhibaanku ka hadlay aragtidiisa ku wajahan shirkii Somaliland ku hor fadhiisatay Soomaaliya ee 23-kii bishii Feberwari ee sanadkan ka dhacay London, waxanu yidhi “Shirkii London ee Xukuumadeenu ka qayb gashay baan u soo degayaa ee ugu horeyn shirkaasi muu ahayn shir Somaliland iyo Soomaaliya qaddiyadooda lagu sooqaadayo ee waxa marti gelisay dawladda Ingiriiska, oo iyadu naxariis ku soo degtay in Soomaalidan baaba’day wax tarto umay qabane dano ayaa ka soo galay oo ay ka lahayd Soomaalida. Markaan shirkaa ka qayb galayo oo labaatan sanno shir aan ka maqnaa la I aqbalsiinayo dee in shuruudi ii taallo, oo dantaa ninkaasi leeyahay mid la mid ah la aan barbar dhigo waa qoddob aan doonayo laakiin maan helin.
Wuxuu Madaxweynuhu Ballanqaaday in Markii hindisahaasi uga yimi Ingiriiska uu talo qaran ka galayo, talo qaranna waxaan u aqaanaa in qarankaa Masuuliyiintiisa ee dawladdu ka kooban tahay, xukuumaddii, golayaashii sharci dejinta iyo axsaabtii siyaasadda lala tashanayo, laakiin dhinaca aan anigu ka joogo talo qaran ma dhicin ee codsi qaran baa dhacay, talona waxaan u aqaanaa hindisahaas baa innagu yimid’e maxay idinla tahay?, talo taasaan u aqaanaa, laakiin haddii uu MAdaxweynuhu yidhaahdo walaalayaal waxa dhacday arrin dani inoogu jirto ee waxaan idinka codsanayaa inaad igu raacdaan, taasi talo qaran maaha ee waa codsi qaran, taasaana dhacday.
MAdaxweynuhu labada aqal ee baarlamaanka wuu casuumay oo qado ayuu u sameeyey anigu xaadir baan ahaa oo waan fadhiyay wuxuu naga codsaday in arrintaa dan inoogu jirto oo aan ku raacno annaguna waanu raacnay. Shuruud la’aanna waa lagu tagay oo haddii wuxuun aynu ka afeef dhigano wada hadalka wixii ka dhashay bay ka muuqan lahayd afeefteenu, innagoo labaatan sanno ka maqnayn shirarka Soomaalida inaynu shuruud la’aan ku fadhiisanaa macno ayaan saluugsanahay.” Ayuu Yidhi Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com