Shirweynihii Saddexaad ee Machadka SORADI oo Shalay Hargeysa Ka Furmay
Hargeysa Oct 29,2012(SDN/(Hubaal)-Shirweynihii Saddexaad ee Machadka darasaadka iyo cilmi-baadhista ee SORADI ayaa shalay ka furmay Hotel-ka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.
Shirweynahan oo socon doona muddo laba maalmood ah isla markaana Sanadkiiba hal mar la qabto ayaa shalay furitaankiisa waxa ka qayb galay Wasiirro ka socda Xukuumadda Somaliland, Mudaneyaal ka socda Golaha Baarlamaanka, Aqoon-yahanno ka socday Jaamacaddaha dalka, Madax ka socotay ururrada bulshada rayidka ah, Dhalinyaro, Saxafiyiin iyo qaar kamid ah hawl-wadeenadda Hay’addaha Caalamiga ah ee dalka deggen.
Ugu Horeyn Agaasimaha Machadka SORADI Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey ajendaha shirka iyo waxyaabaha lagaga hadli doono muddada uu socdo.
“ Shirkan waa kii saddexaad, ee ururka SORADI qabto isaga la kaashanaya ururada bulshada rayidka iyo dawlada, waxaana ay ujeedadiisu tahay, horumarka Somaliland, citiraaf raadinta wada hadalada ay la galayso ama u socda Soomaaliya laba maalmood weeye, maalinta hore intaasuu ku saabsanayaa, beri oo dhana waxa ay aynu ka hadlaynaa horumarka ay Somaliland gaadhay. Waxaaana inala jooga hay’adihii ay arrimahaas khuseeyeen hadday tahay dawlada iyo ururada bulshada rayidka, nuxurkanu waxa weeye waar meel walba wax ka socdee xagaynu u soconaa oo aynu kala war qaadanaa”. Sidaa ayuu yidhi Dr. Maxamed Cismaan Fadal, agaasimaha Machdka SORADI. Wasiirka wasaarada Qorshaynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna ka hadlay shirkaas, ayaa si qoto-dheer uga hadlay muhiimada uu kulankani leeyahay dalka, waxaana uu ka hadlay taariikhdii Somaliland ee dhinaca siyaasada. Waxa uu si gaar ah uga hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya , waxaana uu yidhi” Somaliland iyo Soomaaliya dan ayaa ugu jirta in ay wada hadlaan , waayo waxa jira dano dhaqaale, siyaasadeed iyo
amni oo ay labada dal wadaagaan si la mid wadamada kale deriska ah ah, ka xukuumad ahaan waanu soo dhaweynahay wada hadal na dhexmara Soomaaliya ,laakiin fariintayadu waxa weeye in aan nala khalad fahmin oo aan loo qaadan in aanu ka noqonay Qaranimadayadii” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Xubno ay kamid yihiin Wasiirka Kalluumaysiga Cabdillaahi Geeljire, Xil. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ka tirsan golaha Wakiillada, Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed, Marwo Shukri Xaaji Baandare iyo Masuuliyiin kale.
Shirweynahan ayaa sida qorshuhu yahay la soo gebogabayn doonaa maanta gelinka dambe iyada oo laga soo saari doono qoddobo la xidhiidha mawduuca laga hadlayay.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com