|

Golaha Wasiiradda Cusub oo 24 saac gudahood lagu dhawaaqi doono xubno ka soo jeeda somaliland oo ka muuqda

Muqdisho Oct 28/12

Wararka laga helayo xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in saacadaha soo socda  lagu dhawaaqi doono liiska Golaha Wasiiradda ee xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid .warku waxa intaa ku darayaa in Ra’iisul Wasaaraha ay ka soo dhamaatay wadatashiyo iyo soo xulistii xubnaha ka mid noqonaya Golaha Wasiiradda cusub.

waxa caawa uu   kulan wadatashi ah uu  ku dhex maray siday heshay qurbojoog.com in  xarunta Madaxtooyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Saacid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo markii danbe kusoo biiray kulanka halkaa ku dhexmaray  Sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow waxaa kulanka looga arinsanayay ku dhawaaqista Golaha Wasiiradda cusub ee Dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo xulay rag wajiy cusub oo badankood qurbaha ka tegay, inkastoo ay ku jiraan rag horay ugu sugnaa magaalada Muqdisho.

Soo xulista Wasiiradda cusub ayaa qaadatay mudo 22 cisho ah laga soo bilaabo markii la magacaabay Ra’iisul Wasaare Saacid 6-dii bishan Oktoobar ilaa maanta oo ah 28.

Muqdisho  qurbojoog.com

Comments are closed