Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo Caawa u geeriyoodiyay dhawacyadii uu qabay
Muqdisho Oct 28,2012(SDN)-Waxa Caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday tafatirihii wararka Soomaaliya ee somalidiasporanews.com/qurbejoog.com iyo Iddaacada Shabeel Marxuum Maxame Maxamuud Tuuryare(Shulunge).
Tuuryare ayaa todobaad ka hor koox afka soo duubatay ay ku dhaawacday Muqdisho,waxaanu intii ku jiray cisbitaalka Madiina.
Marxuumka ayaa intii uu yiilay cisbitaalka waxa uu galay dhar qaliina,mudana waxa ay u muuqatay in uu xaalkiisu ka soo reynayo.
Hase yeeshe Wariye Maxamed Tuuryare ayaa caawa u geeriyooday dhaawacyadii dhawrka ahaa ee soo gaadhay.
Hadaanu nahay bahda somaidiasporanews/qurbejoog.com waxaanu eebe marxuumka uga baryeynaa in uu janadii fardoosa ka waraabiyo,gidigeena samir iyo iimaan uu naga siiyo.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com