|

Shirkii Golaha Dhexe Ee Xisbiga UCID Oo La Soo Gabo-gabeeyey lana doortay Musharaxa Madaxwaynaha iyo, Musharax Ku Xigeenkiisa

Hargeysa Oct28/12  (SND) – Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga UCID ayaa la soo gabo-gabeeyey, waxaana Musharaxa Madaxweynaha loo doortay Jamaal Cali Xuseen, halka Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka-na loo doortay Cabdirashiid Xasan Mataan.

Shirkan ayaa waxa laga soo jeediyey khudbado kala duwan, waxaana madashaasi lagu ansixiyey in uu noqdo musharaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, halka Musharax Madaxweyne ku xigeenka-na loo ansixiyey Cabdirashiid Xasan Mataan iyada oo ay dhamaan xubnihii golaha dhexe oo ka koobnaa 144 mudane ogolaadeen musharaxnimadiisa.Eng Faysal Cali Waraabe, oo halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysay ayaa isaga oo sharaxaya ujeedada shirka yidhi “Shirkani waa shir sanadle ah oo sanadkiiba mar la qabto oo lagaga sheekeeyo sanadkaa waxa la qabtay, Golaha dhexena waa hay’adda ugu saraysa ilaa inta la gaadhayo shirwaynaha, shirkani waxa uu kaga duwan yahay, waxaanu soo qadimaynaa Musharixiinta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka oo la qaban jiray sanadka u dambeeya”Guddoomiye Faysal waxa waxa uu intaas ku daray “Doorashooyinkii uu soo galay xisbigu, dantiisa waxa uu ka horeysiin jiray danta Qaranka, taasina waxay keentay in xisbigu wax badan u seego dadkuna nagu colaadsado, waxaanu nimid dalkeena oo ay ka socoto siyaasada ah ku jiqsii, ka ciidee, ku xumee, laakiin waxaanu ku bedalnay siyaasadaasi u dul-qaado, ka celli, ka difaac, adkaysta iyo isjeclaada ayaanu ku bedalnay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Maanta waxa tallada haya xisbiga Kulmiye, xisbiga UCID-na abaal kamuu helin, xitaa waad Mahadsan tahayna oo lanama odhanin, xisbiga Kulmiye waxa uu ku kacay inuu dastuurkii burburiyo oo arin dhammaatay oo ahayd inaan ururo/axsaab la furin inuu khasab ku furay oo uu jabiyey dastuurkii, dhibaatadeediina maanta ayay taagan tahay”Guddoomiyuhu waxa uu eedo u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo “Wuxuu keenay inuu xeerkii doorashooyinka bedalo uu sameeyo xeer la yidhaahdo xeerka shirqoolka 14-aad oo la isku tollay, wuxuu keenay inay meesha ka baxdo shaqadii Guurtida iyo Wakiiladu oo wixiiba isku noqdaan xisbiga Kaliya oo mucaaradkii meesha ka baxo. Xisbiga UCID dhibaato weyn ayaa la soo gaadhsiiyay, dawlado waaweyn ayaa ka qayb-galay oo fan ayaa lagu bixiyay in xisbiga UCID saaxada siyaasada laga saaro, markhaatina waad ka ahaydeen”.Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa isaguna aqbalay Musharaxnimada loo ansixiyey “Waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo inaan aqbalay Musharaxnimada Madaxwaynaha xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID marka ILAAHAY ina gaadhsiiyo, Faysal Cali Waraabe Habro-wadaag ayaanu nahay, markaa reer abtigayo waxaanu uga fadhinaa taageero laxaadle oo aan kala go’lahayn”ayuu yidhi.Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Cabdirashiid Xasan Mataan oo ah Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka UCID.
Dhinaca kale waxa Shirkaas lagu ansixiyey Guddoomiye ku xigeenada 3-aad, 4-aad iyo Xoghayaha guud ee XisbigaShirkan oo ay ka qayb-galeen dad badan ayaa iyaguna waxa ka hadlay Mujaahid Cali Guray, iyo masuuliyiin kale oo badan.

Hargaysa Qurbojoog.com

Comments are closed