|

Soomaalida Ohio oo lagu eedeeyay in ay si sharci daro ah ugu codeynayaan Obama

Franklin County Oct 28,2012(SDN)-Haweeney siyaasad ah oo ka tirsan golaha degaanka eeĀ  Powell City ayaa soo bandhigtay eed aan loo meel deyin oo ay la beegsatay xisbiga Dimuqraadiga iyo Soomaalida Ohio.

Sarah Marie Brenner ayaa sheegtay in Soomaali faro badani ay damacsan yihiin in ay ka qeyb qaatan qorshe si sharci daro ah dib loogu dooranayo madaxweyne Barack Obama.

Haweeneyda oo hore ugu caanbaxday hadalo xag jira ayaa haatan ku andacooneysa in qaxootiga Soomaalida ee gobolkeeda ku nool in iyaga oo aan buuxin shuruudaha doorashada Mareykanka ay doonayaan in ay u codeeyaan Obama.

Sarah Marie Brenner ayaan soo bandigin wax cadeymo ah oo ay ku muujineyso xaqiiqada warkan.

Xisbiga Dimuqraadiga iyo Soomaalida Ohio ayaan ilaa iyo haatan wax jawaaba ka bixin eedahan loo jeediyay.

Mareykanka ayaa bisha ina soo heysa ee Novenber lixdeeda lagu wadaa in loo dareero dooroshooyinka madaxtinimada dalkaasi.

Doorkana waxa isku haya madaxweyne Barack Obama iyo Mitt Romney oo labaduba u muuqda in ay heystaan taageero aad isugu dhaw.

SDN-Franklin County

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed