|

Ma doonaysaa inaad noqoto gabadh qaab leh oo dhexyar adigoon qadoodi isku dilayn

Hargeysa Oct 28,2012(SDN)-Waxa dhawaan la oggaaday in maraqu si toos ah u qaabaynaysa jidhkaaga, taasoo marka aad ku maydhato aad ka heli karto dhammaan fiitamiinadda uu u baahan yahay jidhku, marka la barbardhigo inaad isku dhuubto cuntada iyo nafaqooyinka oo aad nafta uga dhaarato.

Sida badan waxa jira, dumar farbadan oo aad ula dagaalama ama naftooda u hura siday miisaan badan oo saaran jidhkooda isaga ridi lahaayeen, taasoo ay ku baadigoobaan siday u noqon lahaayeen gabadh leh jidhk isku shuban oo dhexduna yar tahay, balse maraqa cusub ee la soo saaray ayaa ka kooban ama ka samaysan khudradda Kaabashka, taasoo uu ku jiro waxyaabo nafaqo leh oo jidhka u baahan yahay, isla markaana ka ridda miisaanka fuula jidhka.

Si kastaba ha ahaatee, isku jirka maraqu ka kooban tahay biyo iyo waxyaabo adke ah, ayaa sida lagu sharaxay si waxtar leh u buuxinaya, isla markaana maraqa ayaa u dhiganta sidii aad cunto cuntay ama aad wax cabtay, sidoo kale biyaha ku jira maraqa ayaa waxa ku jira khudrad jidhka u oggolaanaysa inay nafaqada u gudbiso unugyadda jidhka iyo inay gebi ahaanba si weyn u yareyso in jidhku faaxo.

Ugu dambayn, waxyaabaha maraqa ka kooban yahay oo aad u qani ah, ayaa jidhka si toos ah isugu dheelitira nafaqooyinka uu jidhka geliyo sida, kaarboohaydarayt-ka, Brotiinka, duxda, fiitamiinadda iyo macdanaha kale ee uu jidhku uga baahan yahay inuu ku samaysto tamar ku filan dhaqdhaqaaqa qofka iyo iyadoo waxyaabaha maraqtan ka kooban tahay ay gebi ahaanba jidhka ka saarto baruurta fuusha jidhka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed