Maayar Ka Gaws Adaygay In Wasiirro Taageero Doon ahi Kaga Ololeeyaan magaaladiisa Hantida Umadda
Boorama Oct 28,2012(SDN/Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Wershadaha Cabdirisaaq Cismaan, Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil, Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Ka hortaga Masiibooyinka Qaranka (NERAD) iyo Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka ee NOW, ayaa madal kaliya kaga wada qayb-galay Munasibad hor-dhac u ah ololaha xisbiga KULMIYE.
Masuuliyiintan oo isku bahaystay Munaasibadan ololaha KULMIYE bilowga u ah, ayaa waxa hadallo ka jeediyay Wasiirka cusub ee Warshadaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada, waxayna Masuuliyiinta KULMIYE ee Gobolka Awdal ka bilaabeen olole taageero loogu raadinayo xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE.
Wasiirka Warshadaha Somaliland Cabdirisaaq Cismaan oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi isaga oo la hadlaya taageerayaasha Kulmiye ee Borama “Waqti idiinma hadhin, waa inaad is diyaarisaan, waa inaad qorshe la timaadaan oo aad olole xallaal ah gashaan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa loo baahan yahay inaad muujisaan cudduda xisbul xaakimka, masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee Awdal waxaan leeyahay waa inaad la timaadaan isku xidhnaan”
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda waxbarashada Cali Xaamud Jibriil, ayaa isaguna amaanay xisbiga Kulmiye “Kulmiye ee waa xisbiga kaliya ee tan iyo wakhtigii la aasaay ee 2002 uu xildhibaankii iska soo sharaxay Golaha deegaanka oo ah Madaxwayne ku xigeenka Somaliland uu ku guulaystay jaggo sare”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Taa bedalkeedii kulmiye waxqabadkiisii wax badan wuu qabtay waxaana ay ka muuqdaan Jidadka, Caafimaadka, waxbarashada iyo isbedelada dhinaca siyaasada ah ee dalka”
Maayarka Magaaladda Boorama Cabdiraxmaan Shide Bille oo isna halkaa ka hadlay ayaa Wasiiradda oo madasha fadhiya sheegay in aanay ku ololayn doonin hantida umadda “Ma samayn karno wax aanu sharcigu noo ogolayn oo ah inaan ku ololayno agabka iyo hantida dadwaynaha”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Kulmiye ayaanu nahay, laakiin ku ololayn mayno wax aan sharcigu noo ogolayn”
Munaasibadan waxa iyaguna ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Hay’adsa NERAD Dacar Muxumed Geelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Ururka NOW Kawsar Ibraahim Rijaal.
SDN-Boorama
contact@somalidiasporanews.com