|

Shan Qof ayaa ku dhaawacmay Shil Babaabuur oo ka dhacay deeganka Xamaas ee Gobolka Saaxil

Hargeysa Oct 28/12(SDN/Hubaal)- Shan Qof ayaa dhaawacmay kadib markii shalay fiidkii baabuur ay saarnaayeen shil kula galay deegaanka Xamaas ee gobolka Saaxil, xilligaas oo ay ku gudo jireen safar dalxiis ah oo ay a tamashle kaga yimaadeen magaalada Berbera iyaga oo ku soo jeeday magaalada Hargeysa.
Shantan qof oo laba kamid ahi ahaayeen haween ayaa dhaawac fududi soo gaadhay kadib markii babauur ay wateen oo ahaa nooca yaryar ee raaxada ee loo yaqaan Indha-cadduhu kula dhacay duleedka deegaanka Xamaas ee gobolka Saaxil, halkaas oo la sheegay inay ka yimaadeen magaalada Berbera oo ay dalxiis ku tageen shalay gelinkii hore. Shantan qof oo dhalinyaro ahaa ayaa la dhaawacyo fududi soo gaadheen inkastoo la sheegay in qaar kamid ahi jugo ka soo gaadheen dhabarka, kuwaas oo lagu dawaynayo cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa oo xalayba la soo gaadhsiiyey.
Wargeyska Hubaal oo xalay booqday Cusbitaala Hargeysa ayaa hawl wadeenada heeganka ku jiraa u sheegeen in caafimaadkoodu aad u fiican yahay isla markaana ay qabaan dhaawacyo sahlan.
Shantan qof ayay noo suurto gashay inaanu helno magacyadooda, kuwaas oo kala ah:
1.Foosi Daahir Maxamuud oo ah 25 Jir
2. Fu’aad Cabdirashiid Maxamed oo ah 18 Jir
3. Axmed Rashiid Ibraahin oo ah 25 Jir
4. Kalgacal Ismaaciil Maxamed oo ah 16 Jir
5. Umal-khayr Maxamed Xuseen oo ah 16 Jir.

xigasho wargayska Hubaal Hargaysa.

Comments are closed