Xukumada Somaliland oo Warqad Cabasho u Gudbisay Dawlada Fedralka Soomaliya
Muqdisho Oct 28/12 (SDN) Warar hoose oo ay Heshay qurbojoog.com ayaa wasarada Arimaha Dibada ee Somaliland ay warqad u gudbisay Dawlada Federaalka Soomaaliya ku sheegtay in ay ka walaacsan tahay sii ambaqaadida wadahadaladii u dhaxeeyay labada dhinac ee ku saabsanaa Mustaqbal Soomaaliland iy Somalia.Wadaxaajoodka labada dhinac oo ka dhashay Shirkii Magaalada London 23 kii Feberuary 2012 ka ayaa waxaa lagu sameeyay guddi wadajir ah oo ka wadaxaajood qaabkii Somalia iyo Somaliland oo hada adduunyadu u aqoonsan tahay hal dal ay uga wadatashan lahaayeen aqoloonsi ay dawlada Soomaaliya siiso Somaliland ama dib loo soo celiyo midawgii labada dhinac ee 60 kii.
Somaliland ayaa u aragtay Dawlada Xassan Shiikh Maxamuud mid aan xil adag iska saaraynin sii ambaqaadidida wadahadaladii uu ka tagay Madaxweynihii hore Shiikh Shariif , Waxaana ay Somaliland u aragtaa xilligaan wadahadalada ay lagalayso DF soomaaliya mid ay aqoonsi ku heli karayso maadaama Soomaaliya ay ka baxday KMG kii .
Warqada oo intabadan ay Xukuumada Soomaaliland uga hadashay qaabka ay u doonayso in ay wadahadaladu noqdaan ayaa dhinaca kale waxaa ka muuqata kalsooni darro ay ka qabaan nidaamka cusub ee xilligaan la wareegay Soomaaliya oo ah mid qunyar socod ah oo aan intabadan laga heli Karin hadaladii tuur tuurka ahaa ee Madaxtooyada laga heli jiray.
Qoraalka ayaa waxaa wax yaabaha ku qoran ka mid ah ‘’ Fadlan noo sheega hadii ay idin ka go’an tahay in aad nala xaajootaan oo aad doonaysaan in wadahadaladu sii socdaan iyo hadii aad naan doonaynin ‘’ .
Ra isalwasaare Saacid oo hada laga sugayo inuu soo dhiso golahiisa wasiirada oo aan ka badnaan doonin ilaa 15 ayaa la filayaan in xilka ugu sareeya oo ah Ra iisal wasaare ku xigeen ahna Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya loo Magacaabo Haweeneey Magac iyo sumcadba ku leh Somaliland, Taasi oo marka lagu dhawaaqo durbaba la arki karayo sida hadal haynteedu ugu badato Somaliland.
Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland aya isna ku sugan wadanka Itoobiya halkaas oo u gudbiyey cabasho ka dhana dhinaca dhisida dawlada .
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com