Sucuudiga: Tirada Xujaajta Soomaalida ee sannadkan 2012 Xajka ku dhintay
Makka 27, October 2012 (SDN)- Tiro ka mid ah Xujaajta Soomaalida ee sannadkan, ayaa ku geeriyooday dalka Sucuudiga, ka dib markii ay gudashadii waajibaadka Xajka dhamaysteen.
Sida uu shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, u xaqiijiyay mid ka mid ah Xujaajta sannadkan 2012 gutay waajibaadkaas diiniga ah, ilaa 4 qof oo ka tirsanaa Xujaajta Soomaalida ayaa geeriyooday, kuwaasoo 2 ka mid ahi ku dhinteen shil baabuur.
Ilaa hadda faahfaahin badan lagama hayo nooca shilkaas iyo xujaajta kale siday u dhinteen, laakiin waxa la sheegay in Xujaajtu, gaar ahaan kuwa ka tegay Geeska Afrika ay ku sugnaayeen xaalado adag intii ay ku gudo jireen gudashada waajibaadka Xajka.
Qurbejoog.com, Riyaad