Faroole:Dawlada Soomaaliya waa in ay Dastuurka u hogaansantaa,dadka Jubooyinkana ay maamulkooda sameystaan
Garoowe Oct 27,2012(SDN)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya Md Cabdiraxmaan Farooleayaa salaadii ciida ee shalay khudbad uu jeediyay ku soo qaaday maamul u sameynta gobolada dhawaanta Shabaabka laga saaray ee Jubbooyinka.
Madaxweynaha ayaa hadaladiisii waxaa ka mid ahaa;“dadka Gedo iyo jubooyinka dega waxaan leenahay sameysta maamul aad isla garateen kuna wada qanacsan tihiin,anaga Puntland ahaan waxaan garab taaganahay maamulka cusub ee dhisaneysaan.
“waxaan leenahay dowlada Soomaaliyeed hala raaco dastuurka,shacabka jubooyinkana haloo daayo inay iyagu aayahooda ka tashtaan”. ayuu yiri Faroole.
Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya xili dawlada dhexe ee Soomaaliya ay damacsan tahay in ay maamul u sameyso Jubbooyinka.
SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com