|

Qaar ka mida Xujeydii Soomaalida ee sanadkan oo geeriyooday

Maka Oct27,2012(SDN)-Dhawr ruux oo ka mid ahaa Soomaalidii sanadkan Eebe fursada u siiyay in ay gutaan wajibaadka xadka ayaa iyaga oo ku guda jira geeriyooday.

Ilaa iyo haatan tirada dadka sugan in ay geeriyoodeen iyaga oo ku guddo jira Xajjka ayaa lagu sheegay Afar ruux.

Dadka Xijaabtay iyaga oo xajjka guddanaya ayaa moodku la kulmay iyaga oo ku kala sugan aagag kala duwan.

Laba ka mid ah dadka Soomaalida ah ee sanadkan geeriyooday iyaga oo xajjka guddanaya ayaa Eebe ku sababay geeridooda Shil gaari ah.

Halka ruux kale uu qur baxay ka dib kolkii ay soo wejahday xaalad caafimaad, waxaana la sheegay in wadnuhu istaagay.

Ma cada sababta uu ruuxa afraad ee geeriyooday u dhintay kiyoo ku guddo jira guddahashada waajibaadka xadka.

Soomaalida ku gudatay sanadka waajibka xadka ayaa aad iyo aad uga cawday xaalda nololeed ee ay halkaa kala kulmeen.

Soomaalida dalkoodii ka soo xajjay sanadkan ayaa ka cawday xaalada nololeed ee ay ku sugnaayeen khaasatan dhinacyada nadaafada iyo guriyeenta.

SDN-Maka

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed