|

Policeka magaalada Ottawa ee dalka Canada oo diidan in ay ka hadlaan sababta ay u xireen nin Soomaali ah

Ottawa Oct 27,2012(SDN)-Policeka magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa dhawaan xabsiga dhigay nin Soomaali ah oo heysta dhalashada dalka Mareykanka oo booqanay qaraabo.

Mahad Islam oo 32 jir ah ayaa Boolisku qabteen xili uu saaraa gaari ay wateen laba ruux oo ay ilmo adeer yihiin.

Mahad ayaa xabsiga ku jiray mudo sagaal maalmood ahaa oo uu sheegay in si xun loola dhaqmay.

“Waxa la iidiiday in la i siiyo dawooyin aan sitay,sidoo kale waxa qolkii aan ku xiraa laga jaray biyihii,waxaanan cabayay biyaha ku jira halka lagu saxaroodo,waxaanan ku kaadshayay kuna saxaroonayay dhulka si aaney biyuhu iiga dhamaan”ayuu yiri Mahad.

Mahad ayaa sidoo kale sheegay in dalabaad iyo qaylo dhaan uu u jeediyay ilaalada xabsigii uu ku jiray ayaan dheg jalqa u siin.

Booliska Ottawa ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan sababaha loo qabtay ninkan isla markaana loola dhaqmay xiligii uu xabsiga ku jiray.

Booliska Ottawa ayaa ciidamada amniga xaduudaha ugu yeeray Mahad ka dibna waxa ay ka qaadeen Basaboorkiisii.

Xaakim la horgeeyay Mahad Islam ayaa xoriyadiisii u celiyay,sheegayna in aanu xarig muteysan in kasta oo uu danbiyo hore Mareykanka ugu galay.

Mahad Islam ayaa lagu eadaa in uu tago xadka Canada iyo Mareykanka si Baasaboorkiisa oo halkaa yaal uu hore uga sii qaato.

Mahad ayaa sheegay in Boolisku ka qaadeen Cellphone uu sitay xiligii la qabanayay,Mahad ayaa sheegay in Booliska ay ka shakiyeen in uu ka duubayay wadahadoolkoodii.

Boolisku waxa ay sheegeen in Cellphoneka ay u guddbiyeen xabsigii Mahad lagu hayay.

Qaar ka mid ah waalidiinta Soomaalida ku nool Ottawa oo lagu qiyaaso 20,000 ayaa qaba in caruurtooda si xaq daro ah Boolisku ula macaamilaan.

SDN-Ottawa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed