Xil. Qabille oo Sheegay In Madaxweynuhu Markii uu Tegey Berbera Goddob ka Galay Musharraxiinta Xisbigiisa oo Siraad ku Raadinayay
Hargeysa Oct 24,2012(SDN/Hubaal)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa naqdiyey socdaalkii dhawaan madaxweynuhu ku tegey gobolka Saaxil., isaga oo ku tilmaamay mid reer Berbera lagaga iibinayo musharraxnimadda maayarka Magaaladaasi Cabdalle Maxamed Carab oo kamid ah Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE uga tartamaya golaha deegaanka ee Berbera.
Xildhibaan Qabille waxa kale oo uu khiyaamo qaran ku tilmaamay xeerkii baananka Islaamiga ah ee dhawaan golaha wakiilladu meel mariyeen balse aan loo gudbin golaha guurtida ee toos Madaxtooyada loogu geeyey, kaasi oo uu ku tilmaamay mid dano gaar ah huwanaa oo xukuumadda iyo shirgudoonka wakiilladu ka badheedheen.
Waxa kale oo Md. Qabille ka hadlay awooda taageero ee Xisbiga uu ka soo jeedo ee UCID ku leeyahay magaalada Berbera oo ah meel ay axsaabta iyo ururrada siyaasaddu ku hirdamayaan. “Madaxweynuhu Kormeerkiisa xor buu u yahay inuu ku tagona mid lala yaabo maaha, aragtidase aanu ka qabno waxa ay tahay inuu reer Berbera ka iibinayo cod u helida maayarka Berbera Cabdalla Maxamed Carab, intuu joogayna cid uu la kulmo iska daaye waxa raadinayay xubnihii musharraxiintii Xisbiga KULMIYE ayaa waayay inay la kulmaan, kasokow buunbuuninta uu siiyey Maayarka Berbera.
Arrintaasna waxan jecelahay inay dadweynaha reer Somaliland ila wadaagaan gaar ahaanna reer Berbera.” Ayuu yidhi Xildhibaan Qabille oo shalay u warramay Weriye Sadaam Maxamed Axmed oo ka tirsan Somalilandtoday.com, waxanu intaa ku daray “UCID Cid kula tartami mayso Berbera, waxaanan qabaa inay tahay ta ugu xoog roon, nuglaan iyo baqe waa ta geysay madaxweyne Axmed Siilaanyo inuu buunbuuniyo meeyarkiisa, laakiin UCID kalsooni bay qabtaa.
In lagaga Xoog roon yahayna MAdaxweynuhu wuu ogyahay, aniguna waan ogahay, reer Berberana way og yihiin,” ayuu raaciyey xildhibaanku.Mar la weydiiyey xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeyey golaha uu ku jiro iyo xukuumadda waxa uu tilmaamay in ay muddooyinkii u dembeeyey isku milmeen labada Hay’addood oo ay mid kaliya isku noqdeen, xeerarkii ay dhawaan ansaxiyeena si gaar ah loogu danaystay, “Taasi waa caado ka mid ah ama Calaamad ka mid ah Calaamadaha ugu waaweyn ee golahayaga Astaanta u noqon doona, markaa aniguna waxba ka odhan maayo.
Waana lammaane isku dhafan golaha iyo xukuumaddu ee labo maaha, waxa xukuumaddu soo gudbisana waa wax goluhu raalli ka yahay, markaa waxan qabaa waa wax goluhu ku caan baxay oo uu ka baxay dheeli tarankiisa, sharcigiina waxa ka wayn xukuumadda rabitaankeeda, wax kasta oo ay rabto inay golaha ka socdaana waa wax sahlan, dhaawac maanta dhacayna maaha ee waa mid u horreeyey, mana qabo inay arrin siyaasadeed uun ay tahay ee kama madhna dano gaar ahaaneed, dhaqaalle iyo mashaariic waaweynba raad baa ay ku leeyihiin waxa sahlaya in xukuumadda iyo wakiilladu isku milmaan.” Ayuu ku dooday mudanuhu.
“Xeerkaasi waxa uu la mataan ahaa xeerkii Isgaadhsiinta ee Kaybalka, Xeer dan gaar ah, cid gaar ah iyo qorshe gaar ah laga lahaa buu ahaa ee ma ahayn xeer umaddu shaqo ku lahayd muu ahayn. Xeer tahriibin ahaa buu ahaa, sidaas buu ku jiidhay golaha. Waad garanaysaa oo dan gaar ah buu xeerkii isgaadhsiinta kaga gudbay labada goleba, kanna golaha guurtida waa lagala baqay, isaguna dantaa gaar ah buu u socday,xukuumaddaana dabada ka waday.” Ayuu yidhi, waxanu intaa ku daray isagoo sii sababaynaya “Waxana taasi muujinaysaa in nidaamkii sharciga maalinba xubin la xadayo, waana lagu dayay laakiin waanu ka hadalnay, mana waafaqsana xeerka golayaasha, waa xeer maaliyadeeda, madaxweynuhuna wuu arkayay farqiga u dhexeeya, laakiin xaaladdu mid badheedha ayay ahayd.”.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com