Mareykanka oo qiimeynaya Barnaamijka Qaxootiga Soomaalida dalkooda loogu soo qaado
Nairobi Oct 24,2012(SDN)-Dawlada Mareykanka ayaa shaacisay in ay qiimeyn ku sameyneyso barnaamijka Qaxootiga Soomaalida ee Kiinya ku sugan loogu soo qaado dalka Mareykanka.
Qiimeynta barnaamijka ayaa waxa sameyneysa haweeneyda kaaliyaha u ah xoghayaha arrimaha dibedda Anne Richard oo booqaneysa Nairobi.
Dawlada Kiinya ayaa dhankeeda qorsheyneysa in Mareykanka ay ka raarido in Soomaalida Qaxootiga ku ah Kiinya loo celiyo Soomaaliya.
Kiinya ayaa ku andacoonaya in Soomaalida dalkooda lagu celiyo bacdamaa qeybo badan oo ka mida haatan laga xoreeyay kooxda AlShabaab.
Mareykanka ayaa laba iyo tobankii bilood ee u danbeeyay waxa ay dalkooda u qaadeen 4911 ruux oo Soomaali ah.
Waana qoxootiga u badan ee dal quraato laga qaaday sanadkan.
Anne Richard ayaa booqan doonta xafiiska lagu qiimeeyo dadka mudan qaadida iyo xerada qaxootiga ee Kaa Kuma.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com