|

War degdeg ah: Koox hubaysan oo toogasho ku dilay Weriyihii Universal TV ee Laascaanood

Laascaanood 23, October 2012 (SDN)- Koox hubaysan ayaa caawa toogasho ku dilay weriyihii magaalada Laascaanood u joogay Telefishanka Universal marxuum AxmedSaki Faarax.

Siday shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com u xaqiijiyeen masuuliyiinta Universal TV xafiiskooda Hargeysa iyo weriyeyaal ku sugan Laascaanood, weriyaha waxa toogtay rag hubaysan oo aan la garanaynin, xilli uu abaarro 8:00 caawa ku socday gurigiisa magaalada Laascaanood.

Waxa la sheegay in dhawr nin oo falkaas fuliyay ay baxsadeen markii weerarku dhacay ka dib, iyadoo ciidanka amaankuna hawlgalo badan ka wadaan gudaha magaalada Laascaanood.

Ilaa hadda ma cadda sababta loo dilay weriyahaas oo ah kii koowaad ee lagu dilo gudaha Somaliland, mana jiro wax war ah oo xukuumaddu weli ka soosaartay dilkaas.

Masuuliyiinta iyo hawlwadeenada shakabadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxay tacsi u dirayaan qoyska, ehelka iyo axsaabta uu ka geeriyooday marxuum AxmedSaki Faarax, sidoo kale, waxaanu tacsi u diraynaa Suxufiyiinta Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan kuwa Somaliland.

Qurbejoog.com,

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed