Puntland oo xukun toogasho ah ku riday nin Yemen u dhashay
Garoowe Oct 23,2012(SDN)-Maxkamada derajada koowaad ee Puntland ayaa maanta ku riday xukun dil ah nin u dhashay dalka Yemen ka dib kolkii lagu qabtay kiyoo hub soo geliyay Puntland.
Ninkan oo lagu magacaabo Saalixi Cafiif Camuudi ayaa la qabtay kiyoo la socda doon uu ka soo buuxiyay hubka noocyadiisa kala duwan.
Xeer ilaaliyaha Puntland Cabdikariim Xasan firdhiye ayaa faahfaahinkabixiyay denbiga ninkan lagu soo oogay.
Xeer ilaaliyuhu kama uu hadal cida hubkan ku socday iyo halka lau waday toona.
Qareenka ninkan Yemeniga ah oo isna la yidhaa Maxamed Xasan Maxamed ayaa dhankiisa soo jeediyay xogo uu ku difaacayay ninka Yemeniga ah.
Dood dheer ka dib ayaa Guddoomiyaha Maxkamada derajada koowaad ee Gobolka Nugaal Cabdinur Axmed Bootan ayaa goaamiyay in Saalixi Cafiif Camuudi uu muteystay dil.
Waa markii u horeysay ee maxkamad Puntland ah ay ku rido xukun dil ah shakhsi aan u dhalan maamul goboleedka Puntland.
SDN-Garoowe
contact@somalidiasporanews.com